Madaxweyne Siilaanyo oo Socdaal Shakhsi ah Saaka ugu kicitimay Berbera, isago berri subax na salaadda Jimce la tukan dona

0
Friday April 25, 2014 - 01:18:38 in by Burco Office
  • Visits: 899
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo oo Socdaal Shakhsi ah Saaka ugu kicitimay Berbera, isago berri subax na salaadda Jimce la tukan dona

    Madaxweynaha Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa socdaal shakhsi ah oo aan hore loo sii shaacin ugu baxay Magaaladda Berbera ee xarunta Gobolka Saxil.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa socdaal shakhsi ah oo aan hore loo sii shaacin ugu baxay Magaaladda Berbera ee xarunta Gobolka Saxil.


Socdaalkan oo aan hore losii ogayn, ahaana mid kadis ah wuxuu ka muuqaal duwanaa safaradii Madaxweynaha looga bartay, isagoo aan wadan ilaalo xoogan sidoo kale aana lagu arkayn gawaadhi farabadan oo inta badan Madaxweynaha safarkiisa lagu arkijiray.


safarka Madaxweynaha Somaliland ee Berbera wuxuu ahaa mid shakhsi ah, waxaana ku wehelinaysay Marwadiisa Aamina Sheekh Maxamuud Jirde. 


Iyadoo Galabta iyo Maalinta Bari oo Jimce ah guud ahaan shaqooyinka dalka Fasax laga yahay, taaso la odhan karo Madaxweynuhu si shakhsi ah ayuu ugu nasasho tagay Magaaladda Berbera. 


Dhinaca kale waxa shil sababay Dhaawaca 3 Qof inta la hubo uu ka dhacay jidka u dhexeeya Berbera iyo Hargeysa kaaso ay sababeen Baabuur kii ilaalada aha ee madaxweynaha iyo Baabuur shacab oo isku dhacay, waxana dhawacaasi maantaba la kenay cisbitalka guud ee burco , walow aanay Dhaawacyo aad u cul culus.



Dhawaan ayay ahayd markii uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Silaanyo dhalinyaro wax ka barata Jaamacadda Berbera kula dabaashay Xeebta Batalaale oo ku taala Gobolka Saxil, waxaana loomalaynayaa inuu Jimicsi iyo dabaalasho u tagay Xeebta Berbera.






Afkashacabka.com
Hargeysa Somaliland
Contact@afkashacabka.com