Mareykanka oo ka digay weeraro qaraxyo ah oo ka dhaca dalka Uganda.

0
Wednesday February 12, 2014 - 11:16:53 in by Super Admin
  • Visits: 874
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo ka digay weeraro qaraxyo ah oo ka dhaca dalka Uganda.

    Safaarada dowlada Mareykanka ee caasimada Uganda ayaa ka dibtay suurtogalnimada weeraro ka dhaca caasimada dalkaasi, weeraradaasi oo lala bartilmaameydsado goobaha dadka ay ku kulmaan sida ajaaniibta ku sugan dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safaarada dowlada Mareykanka ee caasimada Uganda ayaa ka dibtay suurtogalnimada weeraro ka dhaca caasimada dalkaasi, weeraradaasi oo lala bartilmaameydsado goobaha dadka ay ku kulmaan sida ajaaniibta ku sugan dalkaasi.


War kasoo baxay safaarada ayaa lagu sheegay inay helaan warbixino la xiriira weeraro qaraxyo ah oo ka dhacaya caasimada dalka Uganda gaar ahaan meel ka baxsan magaalada, iskastoo aan faahfaahin dhab ah laga sii bixin.

Warka ayaa lagu sheegay in kooxaha ay ugu magic dareen argagixisada ay ka warheleen inay qorsheynayaan inay qaraxyo geystaan dhamaadka bishan ama bisha ku xigta, waxaana ay ku baaqday safaarada in amaanka la adkeeyo.

Ibin Senkumbi, oo ah afhayeenka booliska ee Uganda ayaa sheegay in ciidamada booliska ay ka hortagayaan suurto galnimada weeraro halkaasi ka dhaca, ayna sameyn doonaan baaritaano amaanka la xiriira.

Sanadkii 2010, labo qarax oo lala eegtay goob ciyaar lagu daawanayay oo ku taala magaalada kambala waxaa ku dhintay 79 ruux oo uu ku jiray hal ruux oo American ah.

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay masuuliiyada weerarkii sanadkaasi ka dhacay dalka Uganda iyagoo jawaab kaga dhigay faragelinta ciidamada Uganda ee dalka Soomaaliya.

Waa markii labad digniinta safaarada mareykanka ee dalka Uganda muddo ka yar lix bilood waxaana sidaan oo kale ay soo saareen digniinta dhanka amaanka bishii October sanadkii lasoo dhaafay.