Bandhiggan waxaa sannad walba ka soo qayb gala: Hal-abuurro, Suugaanyahano, Qoraayo, Fannaaniin, Jilayaal Soomaali ah iyo qaar kale oo adduun waynaha ka kala yimi waxaana halkaas ay martidaas kala duwani ku soo bandhigaan hibooyinka Alle siiyay Iyo waxqabadkoooda. Waxaa sidoo kale sannad walba dhiiri-galin ka hela Soomaalida qurbaha ku nool oo iyaguna aan halkaa ka maqnayn oo hal-abuurrimadooda ku soo bandhiga.

Todobbaadka dabbaal-degga Soomaalidu waxa uu caan ku yahay in ay ka soo qayb galaan hal-doorka Soomaalida sida Abwaanadii hore iyo kuwa haatan ku cusub Fanka iyo Suugaanta oo meelo badan oo adduunka ah iskaga yimaada sida Soomaliland, Soomaaliya iyo Jabuuti. Ujeedada ugu weyn ee bandhiggan laga leeyahay ayaa ah is-dhexgalka Suugaantii hore iyo tan iminka. Sannad walba waxaa la qaataa hal- ku-dheg. Sannadkan hal-ku-dheggu waa Baradda (Space) halka sannadkii horenna uu ka ahaa Mala-awaal (Imagination).

Haddaba sannadkan ayaa aad uga duwan sanadihii hore iyada oo marti ka tiro badan kana culus sannadihii hore ay ku casuuman yihiin. Waxa sidoo kale aad loo dareemayaa haween tiro badan oo ka dhex muuqda barnaamijyada kala duwan ee bandhigga. Waxay qaar ka dooddi doonnaan waayaha Soomaalida qurbaha ku nool, halka qaar kale ay dareemo kale duwan ku soo gudbin doonnaan gabayo ay af-ingiriis iyo soomaaliba ku curiyeen halka kuwo kalena ay ku soo bandhigi doonnaan qoraaladooda kala gedisan ee ay hal-abuureen.
Waxaa sannadkan bandhigga ka maqnayn madadaalo ay hormood ka yihiin fannaaniin, abwaano iyo jilayaal caan ka ah gayiga Soomaalida. Sannadkan waxaa fursad u helay inay ka qayb qaataan oo waddanka ingiriiska kula soo dabaal-degaan fannaaniin ka mid ah kooxda Xidigaha Geeska.

Haddaba Martida sannadkan bandhigga ku casuuman waxaa ka mid ah:

Jaamac Muuse Jaamac: asaasaha xarunta dhaqanka ee Hargaysa, Rashiid Cabdillahi (Rashiidh-gadhwayne) qoraa isla markaana ah suugaanyahan. Faarax Cali Gamuute suugaanyahan iyo qoraa. Rashiid Maxamed Shabeelle Qoraagga buugga ‘’Ma dhabaa Jacayl waa loo dhinta’’. Sheekh Maxamuud Sheekh Dalmar Suxufi iyo aqoonyahan caan ah. Xaawa Cabdi waa borofisoorad ka dhigta cilmiga bulshada dalka Maraykanka. Ladan Cismaan oo ah abwaanad isla markaanna ah macallimad. Canab Guuleed oo ah abwaanad reer Jabuuti ah.

Caasha-Luul Maxamuud oo ah gabadh wariye ah isla markaana ah abwaannad oo gabayadeeda af-ingiriis lagu turjumay. Cabdiraxmaan C Faarax ( Guri-barwaaqo):
Madaxa Machadka afafka ee Gaariye ee Jaamacadda Hargaysa isla markaana ah qoraaga buugaag dhawr ah oo ay ka mid yihiin "Magac bilaasha uma baxo’’ iyo ”Mahadho”. Idil Cismaan oo ah gabadh sidata shahaaddada ugu sarraysa ee loo yaqaan PhD kana qaadatay Jaamacadda Cardiff University ee cariga ingiriiska. Sidoo kale waa macallimad dhigta saxaafadda iyo culuumta dhaqanka. Firdowsa Cali, hab-abuurad ah oo qorta ruwaayada kuna nool cariga ingiriiska. Suuban, gabadh ku baahisa muuqaallo barta Youtube-ka taas oo ay si wayn uga hadasho iyadoo ka soo horjeeda midabtakoorka.

Safiya Caydiid oo ah inan ka diyaarisa shahaaddada PhD-da jaamacadda Harvard University ee dalka Maraykanka. Waxay cilmi baadhisteedda ka samaysay dagaakii labaad ee adduunka ka dib iyo guumeysi-diidkii qowmiyadeed ee Soomaalida iyo Boqortooyadii Itoobiya. Rudwaan Cismaan waa arday shahaaddada PhD-da ka wadda jaamacadda University of Cambrige. Wuxuuna cilmi baadhistiisa ku diyaariyaa Waxbarashada wadaniyadda ee Somaliland. Dr Sihaam Cabdi waxay shahaadadeedda PhD-da ka qaadatay Jaamacadda SOAS ee magaalada Landhan. Waxayna cilmi-baadhisteedii ka diyaarisay ka qayb galka siyaasadda iyo haweenka Soomaalida intii u dhaxaysay 1992-2012.
Maxamed Cabdilaahi Cartan waa asaasaha laba ganacsi oo waawayn oo kala ah; Nura media production, oo ah shirkad muuqaallada soo saarta, iyo Looh Press taas oo daabacda isla markaanna qaybisa buuggaag afaf kala duwan ku qoran oo ay ka mid yihiin Soomaliga, Carabiga iyo Ingiriisiga. Maxamed Caddow oo ah wiil ka howl gala tilifishanka caalamiga ah ee Al-Jazeera, waxaanu ka soo warbixiyaa goobaha dagaaladu ka jiraan ee ay Soomaalidu degto sida; Muqdisho iyo falalka ka dhaca, qalalaasihii ka dhacay doorashadii hore ee dalka Kiiniya iyo rabshadaha ka jira degaamada Soomaalida Itoobiya.

Nadiifo Maxamed oo ah gabadh qoraa afka ingriisiga wax ku qorta. Buugteeda waxaa ka mid ah; ‘’Black Mamba Boy’’. Ugaaso Buucoow oo ah gabadh degan waddanka Canada isla markaan muuqaallo madadaalo samaysa, kuna baahisa Social-Media gaar ahaan qaybtiisa Instagram-ka. Quman Cali oo ah gabadh sharci yaqaaan ah, hawlo shaqo ka qabata Somaliland. Sidoo kale waa la taliye sharci. Quman waxay kaloo ku biirtay toddobaadka dabaal-degga Soomaalida sannadii 2009 illaa maantanna si mutadacwnimo ayay ula shaqaysaa. Ayaan iyo Idil (Idyl) oo ah laba hablood oo mataano ah isla markaana ku nool waddanka Maraykanka waxay iyaguna nasiib u heleeen inayka soo qayb galaan toddobaadka dabaal-degga soomalida oo waxqabadkooda lagala sheekaysto. waxay ay leeyihiin shirkad caan ka ah dalka Maraykanka oo qaabilsan dhisaynka.

Xanaan Maxamed oo ah gabadh yaraanta ku bilowday qoraalka iyo inay fikirkeeda dadka la wadaagto isla markaan laba buug u suurto galeen inay ifka u soo saarto ayaa ka mid ah dhallinta fursada u heshay inay ka qayb qaataan barnaamijkan.
Saynab Daahir oo ah madadaaliso, barre iyo sheeko tabiso ayaa waxay wakhti la qaadan carruurta ku dhalatay waddanka Ingiriiska iyadoo ku dhiiri-galin doonta afkooda.

Dhinaca fannaaniinta iyo hal-abuurada sannadkan ka qayb galaya, waxaa ma mid ah; Maxamed Xasan BK, Daa’uud Cali Masxaf, Sahra-ilays, Kaltuun-Bacado, Fadxiya-Fiska, Nimco Yaasiin Carraale, Cabdillahi Xasan-Ganey iyo Ibraahim Xirsi Dayrwaa.

Intan iyo qaar kale oo aad u tiro badaniba waxa ay qayb ka noqon doonaan bandhigga sannadkan.

FB_IMG_1445436580840
Ambabixintii martidii ka tagaysay Hargaysa. Xarunta Dhaqanka ee Hargaysa, 15. Oktoobar. 2015

Wixii faafaahin ah, halkan ka akhriso.
http://www.kayd.org/wp-content/uploads/2015/09/a6_Programme_SWF-2015_FINAL.pdf

Farduus Maxamed ( Dheere )
Farduzmohamed@Gmail.com
Hargaysa, Somaalilaand.