
Shirweynaha Kulmiye Oo Furmaaya Saddex Casho Kadib Iyo Xaalada Ku Xeeran
Guddida qaban-qaabada shirweynaha Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa shalay shaaciyey wakhtiga rasmiga ah ee la qabanayo shirwaynaha saddexaad ee xisbigaasi.
Guddoomiyaha guddida qaban-qaabada shirweynaha xisbiga Kulmiye, Abuubakar Xaamud Jiriil oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay qorsheeyeen in 28-ka bishan oo ku beegan Isniinta la qabto shirkaasi, isla-markaana markii ay ka qiyaas qaateen tirada ergooyinka ay go’aamiyeen in shirku dhaco Isniinta toddobaadkan.
Guddoomiyaha Guddida qaban-qaabada shirweynaha Kulmiye oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi "Waxaanu go’aansanay Guddi ahaan inaanu shirkaa ka dhigno 28-ka bisha afraad oo ku beegan Maalinta Isniinta”
Guddoomiyuhu wuxuu farriin u diray ergooyinka ka imanaya gobollada fog fog "Markaa waxaanu ka codsaneynaa ergooyinka ka imanaya gobollada fog-fog sida Ceerigaabo, Sool iyo qolada ka imanaysa Saylac inay hore u soo galaan” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "Wixii sawir laga qaadayo ergooyinkuna waxay ugu dambayn doonaan Sabtida iyo Axadda, shirkaasina wuxuu furmayaa Isniinta, waxaanu soconayaa laba maalmood…”
Guddoomiyaha guddida qaban-qaabada shirkaasi, oo la waydiiyey inay jiraan beelo qaadacay shirkan ayaa ku jawaabay "Annagu liiska aanu haynno, cid tidhi annagu kuma jirno maanaan arag guddi qaban-qaabo ahaan, xisbiguna waa dimuqraadi oo cid walba way iska sharixi kartaa, cid ka hor joogsan kartaana ma jirto….”ayuu yidhi.
Muddeynta shirweynaha Kulmiye ayaan ahayn markii koowaad, hasa-yeeshee dhowr jeer oo hore ayaa sidan oo kale loo muddooyey, inkasta oo wakhtiga la calaamadiyey shalay uu yahay mid aad uga duwan muddeyntii hore oo hadba dhowr bilood dib loo riixayey.
Afkashacabka.com
Hargaysa/Office
contaact@afkashacabka.com





0 

Shirweynaha Kulmiye Oo Furmaaya Saddex Casho Kadib Iyo Xaalada Ku Xeeran
Guddida qaban-qaabada shirweynaha Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa shalay shaaciyey wakhtiga rasmiga ah ee la qabanayo shirwaynaha saddexaad ee xisbigaasi.