Askarta Kenya oo Soo Rogaal Celisay Qabqabshada Somalilda Ku Noil Dalkaasi

0
Friday April 25, 2014 - 16:22:44 in by salman abdi
  • Visits: 1017
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askarta Kenya oo Soo Rogaal Celisay Qabqabshada Somalilda Ku Noil Dalkaasi

    Booliska Kenya ayaa xoojiyay howl galada lagu qab qabanayo Soomaalida, Iyadoo saacadihii la soo dhaafay la qab qabtay dad ku dhow shan boqol oo qof

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska Kenya ayaa xoojiyay howl galada lagu qab qabanayo Soomaalida, Iyadoo saacadihii la soo dhaafay la qab qabtay dad ku dhow shan boqol oo qof

, Waxana arrintan ay ka dambeysay qaraxii habeen hore ka dhacay ilinka hore ee Saldhiga Pan

gani ee Xaafada Islii.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Masudi Mwinyi, Ayaa sheegay inay howl galadu ay sii socon doonaan, Inta laga gaadhayo hadafka laga leeyahay howl galada oo ah in lagu sugo ammaanka.

"Howl galadu way sii soconayaan ilaa ammaanka laga sugayo iyo inta kuwa sharci darada ku jooga halkan ee qaxooniga dib loogu celinayo xeryaha qaxootiga” Ayuu yidhi Afhayeenka Ciidanka Booliska Kenya.

Ganacsatada Xaafada Islii ayaa walaac ka muujinaya howl galada soo cusbonaday, Waxana Wasaarada Arrimaha Gudaha Kenya ay sheegtay in la baadhi doono guryaha la kireysto iyo goobaha ganacsiga Soomaalidu leeyihiin, taasoo ay ka iman karto dhibaato ama boob loo geysto hantida Soomaalida.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan xaafada Islii. Ayaa sheegay in mar walba oo wax dhacaan la soo beegsado Soomaalida, Taasna ayna macquul aheyn, Isla markaana Soomaalida uu hada dul saaran yahay qalin gaduudan.

Habeen hore ayay aheyd markii gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ciidamada Boolisku soo wadeen, Si ay u badhaan uu ku qarxay afaafka hore ee Saldhiga Booliska Pangani, waxaana ku dhintay ilaa afar qof oo labo ka mid ah ay boolis ahaayeen.

Afkashacabka.com

Hargaysa/Office

Contact@Afkshacabka.com