Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo Digniintii ugu Adkayd u direy Maamulgoboleedka Puntland

0
Wednesday February 12, 2014 - 11:37:19 in by Super Admin
  • Visits: 1043
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo Digniintii ugu Adkayd u direy Maamulgoboleedka Puntland

    Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay haddii uu Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Cabdiwali Gaas joojin waayo faro-gelinta iyo hanjabaadda uu ku hayo Somaliland inuu Faysal ahaan Dirayska Ciidammada K

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay haddii uu Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Cabdiwali Gaas joojin waayo faro-gelinta iyo hanjabaadda uu ku hayo Somaliland inuu Faysal ahaan Dirayska Ciidammada Ku Labbisan doono.

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay maaddaama oo uu Cabdiwali Gaas diiday wanaagga iyo jaar-wanaagga Somaliland iyo Maamulkiisa in Ragga iska hor-imanayaa yihiin isaga iyo Ragga reer Somaliland oo uu sheegay inuu Faysal isagu ugu horreeyo.

 

 

"Cabdiwali waxaan leeyahay haddaad diidday wanaaggayagii Ragga iska hor-imanayaa waa innaga ee ku talo-gal, Aniguna Dirayskaan (Dharka Ciidammada) soo xidhanayaa, Somaliland waad taqaannaa, waynu is-garanaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe

 

 

Waa markii ugu horreysay ee uu Faysal Cali Waraabe sidan oo kale shaaca uga qaado inuu Dirayska Ciidammada qalabka sida ee Somaliland Ku labbisan doono haddii uu Madaxweynaha Puntland hanjabaadda iyo faro-gelinta uu Somaliland ku hayo.



Afkashacabka.com
Hargeysa /Somaliland