Daawo:Madaxwaynaha Somaliland Oo Manta Saladii jimce Kulatukaday Bulshada Berbera +SAWIRO

0
Friday April 25, 2014 - 22:40:25 in by salman abdi
  • Visits: 1450
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Madaxwaynaha Somaliland Oo Manta Saladii jimce Kulatukaday Bulshada Berbera +SAWIRO

    Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maalintii labaad socdaal gaar ah ku jooga magaalada Berbera

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maalintii labaad socdaal gaar ah ku jooga magaalada Berbera

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maalintii labaad socdaal gaar ah ku jooga magaalada Berbera

ayaa maanta Dadweynaha Reer Berbera kula tukaday Salaaddii jimcaha masjidka khalid binu walid ee u dhow xarunta gobolka Saaxil, iyada oo ay tukashada Salaadda ku weheinayeen Gudoomiyaha Gobolka Saaxil, Maayarka Berbera, Maareeyaha Dekeda Berbera, Taliyaha Ciidanka Policeka, Taliyaha Ciidanka Marineska, Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Somaliland iyo Masuuliyiinta kala duwan ee Gobolka Saaxil.

Sheekh Saleebaan Siciid Cali ayaa khudbad diini ah halkaasi kasoo jeediyey oo uu kaga hadlay akhmiyada ay leedahay salaada roob doonta ah ee uu Madaxweynuhu amray in laga tukado maalinta beri ah dalka oo dhan, waxa uu Sheekhu hoosta ka xariiqay in Madaxweynaha safarkiisu yahay mid gaar ah oo aan hawlo qaran wadin ee uu soo booqday magaalada Berbera waxaanu illaahay uga baryay inuu ku sugo hoggaaminta toosan ee dalka ka wado iyo cimriga iyo caafimaadkana u siyaadiyo Eebe.

Boqollaal kamid ah Dadweynaha reer Berbera oo salaadda Madaxweynaha kula soo tukaday Misaajidkaasi ayaa siweyn afaafka hore ee misaajidka ugu soo dhaweeyey madaxweynaha sacab iyo soo dhaweyn diiran waxaanu madaxweynaha salaan gacan haadis ah la wadaagey dadweynahaasi tubnaa misaajidka hortiisa.

Safarka Madaxweyne Siilaanyo ayaa ahaa mid gaar ah oo nasasho u muuqda kaasi oo wararka qar sheegayaan inuu booqday xeebta batalaale oo uu hore ugu dabaashay waxana la filayaa in maalinta beri dalka oo dhan la oogo salaad roob doon ah.

Madaxweynaha Safarkiisa ayaa noqonaya kii u horeeyey ee gobolada dalka mid ah u socdaalo iyadoo aanay wehelinaynin wax wasiiro ahi oo xukuumadiisa ka tirsan ama masuuliyiin kale.



AFKASHACABKA.COM
BERBERA/OFFICE
CONTACT@AFKASHACABKA.COM