Sheikh Salman oo iska Difaacay Eedo

0
Tuesday October 27, 2015 - 17:41:49 in by Hargeysa Office
  • Visits: 983
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheikh Salman oo iska Difaacay Eedo

    Musharraxa madaxtinimada Fifa, Sheikh Salman bin Ebrahim al-Khalifa, ayaa iska difaacay wax uu ku sheegay been xun oo laga faafiyay markii uu ahaa guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta ee dalka Baxrayn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharraxa madaxtinimada Fifa, Sheikh Salman bin Ebrahim al-Khalifa, ayaa iska difaacay wax uu ku sheegay been xun oo laga faafiyay markii uu ahaa guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta ee dalka Baxrayn.

Kooxaha xuquuqda aadanaha ee dalka Baxrayn ayaa ku eedeeyay inuu wax ka ogaa xarig iyo jirdil lagu sameeyay ciyaartoy kubbadda cagta iyo kuwa ciyaaraha fudud.

"Ma beenin karo wax aanan sameyn," ayuu yiri Sheekh Salman oo 49-jir ah oo la hadlayey  warbahinta Sport.

"Eedaha noocaas ah kuma dhaawacayaan oo keliya ee run ahaantii waxyeello ayay kuu geysanayaan. Waxaa jira dad agenda ka leh oo miiska uu u saaran yahay."

Dad badan ayaa lagu dilay sanadkii 2011 markii ciidammada ammaanka ee Baxrayn ay cagta mariyeen muddaharaadyo ay horseed ka ahaayeen Shiicada dalkaasi oo lagu dalbanayay isbeddelo dalkaas ka dhaca.

Kooxaha xuquuqda aadanaha waxay sheegayaan in Sheikh Salman uu gacan ka geystay in la garto ciyaartoyda ku lug yeelatay muddaharaadyada, uuna ka difaaci waayay in tacaddiyo loo geysto.

Sheikh Salman Waxaa uu intaas ku daray: "Aniga oo keliya ima dhaawacayso ee waxay sidoo kale dhaawac u geysanaysaa dalka iyo dadka.

"Waxaani waa been, been xun oo lagu soo celcelinayay marar badan waqtiyadii la soo dhaafay iyo waqtiga la joogo intaba."

Waraysiga uu siiyay hawarbahinta ee , Salman waxaa uu ku sheegay:

•Inuusan mushaar qaadan doonin haddii loo doorto guddoomiyaha Fifa •Inuu taageerayo in tartamada koobka adduunka ee 2018 iyo 2022 lagu qabto dalalka Russia iyo Qatar. • Inuu taageerayo in xilliga madaxtinimada Fifa lagu soo koobo saddex goor iyo 12 sano.