Wasiirka Madaxtooyada Somaliland iyo wasiirka Diinta iyo Aw qaafta Oo Saladi Robdoonta Kula Tukaday kumanan Dad ah Goroonka Hargaysa

0
Saturday April 26, 2014 - 15:04:22 in by salman abdi
  • Visits: 954
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Madaxtooyada Somaliland iyo wasiirka Diinta iyo Aw qaafta Oo Saladi Robdoonta Kula Tukaday kumanan Dad ah Goroonka Hargaysa

    -wasiirka wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Somaliland ayaa maanta dadweyne badan kala qayb galay tukashada salaada roob doonta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

-wasiirka wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Somaliland ayaa maanta dadweyne badan kala qayb galay tukashada salaada roob doonta.



Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Axmed oo uu wehelinayo wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa tukashada salaada roob doonta kala qayb galay dadweyne aad u tiro badan oo ku tukaday garoonka kubada cagta ee Hargeysa Staduim.

Wasiirka wasaarada Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa khudbad aad u dheer oo u badnayd duco u jeediyey dadkii ku tukanayey garoonka weyn ee Hargeysa Stadium, waxaanu kula dardaarmay inay dadku is cafiyaan oo ay xaga alle u noqdaan.

Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland oo khudbadisu u badnayd duco ayaa waxa uu yidhi "Walaalayaal aynu ka soo noqono danbigii aynu galnay oo aynu ilaahay u balan qaadno inaynu ka soo laabanay danbigii aynu galnay, walaalayaal dhibaato badan ayaa ina haysata ilaahay ayaa ina arkaya oo aynu ka baryeynaa inuu dhibaatada inaga dul qaado oo uu abaaraha inaga ilaaliyo, waxaynu ilaahay ka baryeynaa inuu biyaha raxmada ah cirka inooga soo shubo, dadkeena xanuusanaya inuu caafimaad siiyo, dadkeena baahana baahidooda daboolo, inta salaadan iskugu timid ee wakiilka ka ah dadka kale inuu ducadeena aqbalo oo uu cirka roob khayr qaba inaga siiyo dhulkana wax barako leh inooga soo saaro, dalkana ilaahay inoo barakeeyo.”

 

Sidoo kale Sheekh Maxamed Macalin Cabdi Carab, Sheekh Mubaarig Muuse iyo culimo kale ayaa iyaguna dhinacooda khudbado duco iyo waana u jeediyey dadweynihii ku tukanayey garoonka Hargeysa Stadium, waxaanay dadweynaha u soo jeediyeen in xaga alle loo noqdo isla markaana lays cafiyo.

Guud ahaanbad gobolada iyo degmooyinka Somaliland ayaa maanta laga tukaday salaada roob doonta ka dib markii madaxweynaha Somaliland ugu baaqay shacabka in la tukado salad roob doon ah maanta soo sabti ah.

 

Afkashacabka.com
Hargaysa/Office
contact@afkashacabka.com