BADHASAAB JEENI-YARE OO KU BAAQAY IN LA ISKA QABTO KOOXDA SHUFTADA AH EE CALI KHALIIF GALAYDH

0
Saturday April 26, 2014 - 16:30:35 in by salman abdi
  • Visits: 1050
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BADHASAAB JEENI-YARE OO KU BAAQAY IN LA ISKA QABTO KOOXDA SHUFTADA AH EE CALI KHALIIF GALAYDH

    Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex, Md. Maxamed Maxamuud Jeeni yare ayaa ku eedeeyay Cali Khaliif Galaydh in uu dagaal ka abaabulayaan deegaanka Taleex,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex, Md. Maxamed Maxamuud Jeeni yare ayaa ku eedeeyay Cali Khaliif Galaydh in uu dagaal ka abaabulayaan deegaanka Taleex,

waxaanu u soo jeediyay shacabka ku dhaqan degmadda Taleex in ay qaran-nimadooda iyo dawladnimadooda ilaashadaan.

Maxamed Maxamuud Jeeni yare, oo xalay telefoonka uu waramay wargeyskaDAWAN, waxa uu sheegay in aanay kooxda Khaatumo awood u lahayn in ay dagaal ku soo qaadaan Somaliland, iyadoo ciidamadda qaranku ay diyaar u yihiin in ay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo deegaamadeeda ku soo xad-gudubta.

 

Isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Nimankaasi waa niman qaldan waana niman iska riyoonaya, waxaasi oo dhibaato ah waxaa gaysanayaa waa dhawr nin oo dadka shacabka sharaftooda iyo nabad-gelyadooda doonaya inay ku ciyaaraan, nimankaasi oo uu ugu horeeyo ninka la yidhaahdo Cali Khaliif Galaydh iyo ina Ciise Cabdi, markaasi waxaan u soo jeedinayaa dadka shacabka ah ee reer Taleex, qarannimadooda iyo dawladnimadooda inay ilaashadaan, oo nimankaasi shuftada ah ee dhibaatada badan u gaystay ee marba dibadda kaga soo duulaya ee cadawga ah, in ay meel uga soo wada jeedsadaan oo ay deegaamadooda ka caydhiyaan.”

 

Waxaanu intaasi ku daray guddoomiyaha gobolka Maroodijeex, "Wax dagaal iyo dhibaato ah oo ay kooxda Khaatumo ka geysan karaan deegaanka Taleex ma jirto, dawladda Somaliland iyo ciidamadeeduna waa u diyaar inay tallaabo ka qaado, cidii dagaal ka ridaysa deegaamadeeda, iyada oo aan Somaliland cidna daan-daansanayn, wixii dhibaato ka shaqaynaya diyaar baa loo yahay in la iska celiyo, oo ummadda laga difaaco iyo dalkaba.”

Mr. Jeeni yare, waxa kale oo uu tilmaamay in nimanka sheegay in ay garaadnimadii kala noqdeen garaad Jaamac garaad Ismaaciil ay yihiin kuwo iska hadlay, isla markaana garaad Jaamac uu isagu u yimid dadkiisa iyo dawladiisa Somaliland.

"Nimanka yidhi Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaanu garaadnimadii kala noqonay way iska hadleen ninkaasi waa garaad jira oo waa la wada yaqaan, kuwa sidaasi lihina iyagu garaad kama ay dhigan, way iska sheekaynayaan ee Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, waa garaad garaad dhalay, iyaga ayuun baa afkooda isku xidhay, garaadku haddii uu dawladnimadiisa dadkiisaba u yimid ma aha in la dhaleeceeyo, waanay khaldan yihiin”, iyagana waxaan u soo jeedinayaa inay dadkooda iyo dalkooda soo raacaan” "Xukuumadda Somaliland diyaar ayay u tahay inay horumar iyo adeegyada bulshada gaadhsiiso, deegaamadaasi goboladaasi bariga imikana way wadaa waana la sii kordhinayaa” ayuu yidhi guddoomiyuhu.

Guddoomiyaha oo aanu wax ka wadyiinay shirka la sheegay in kooxda Khaatumo ay ku qabsanayso degmadda Taleex, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi "Arrintaasi waa xaaraan lagumana qaban karo, laguna qaban maayo, waxa ay wadaan Cali Galaydh iyo waa wax qaranimada iyo jiritaanka Somaliland lidi ku ah, wax suurtoobayana maaha, Somalilanda tallaabadda ku haboon ayay ka qaadaysaa.”

Afkashacabka.com

Hargaysa/Office

contact@afkashacabka.com