Hazard Oo Sheegay Inuu Maalinta Axada Kusoo Noqon Doono Tababarka Kooxda.

0
Saturday April 26, 2014 - 17:00:13 in by salman abdi
  • Visits: 944
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hazard Oo Sheegay Inuu Maalinta Axada Kusoo Noqon Doono Tababarka Kooxda.

    Eden Hazard ayaa xalay marti ku ahaa isaga iyo Nemanja Matic barnaamijka Friday Nigth Live ee kabaxa Chelsea Tv ayuu kaga hadlay arrimo badan oo kusaabsan xaaladihiisa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Eden Hazard ayaa xalay marti ku ahaa isaga iyo Nemanja Matic barnaamijka Friday Nigth Live ee kabaxa Chelsea Tv ayuu kaga hadlay arrimo badan oo kusaabsan xaaladihiisa,

ciyaaryahanka reer Belgium ayaa kahadlay kulanka Liverpool, ciyaartoyda reerkiisa, iyo dhaawaciisa.

Hazard ayaa sheegay inuu dareemayo inuu kaso bogsooday dhaawacii kubka ee kasoo gaaray kulanka PSG ay (2-0)uga badiyeen, isagoo sheegay inuu garoomada kusoo noqon doono goor dhaw, wuxuu sheegay in maanta oo axad ah uu kuso noqonaayo tababarka kooxda "Kulan walbo oo haray waa inaan badinaa haddi aan dooneyno inaan horyaalka qaadno ama Champions League qaadno, kulan walbo waa sida Final xageena”.

"Liverpool si wacan ayey uciyaareysay xilli ciyaareedka, goolal badan ayey dhaliyeen, saaxiibo badan ayaan kuleeyahay halkaa, Mamadou Sakho iyo ciyaaryahanka aan isku qaranka nahay Simon Mignolet, waa kulan adag”.

23 jirkaan ayaa kahadlay in lagu daray ciyaartoyda usharaxan laacibka sanadka isagoo sheegay "Waa wax fiican inaan kula jiro laacibiin heersare ah sida Yaya Tourey, Luiz Suarez, waa wax iifiican, balse kooxdeyda la’aanteed wax aan ahay majirto, waxaan leeyahay asxaabteyda kooxda waad kumahadsan tihiin xilli ciyaareedkaan fiican, waana kufaraxsanahay inaan uciyaaro Chelsea, waxaan rajeynayaa inaan koobab badan laqaado kooxdaan”.


Hazard ayaa xilli ciyaareedkaan dhaliyey 17 gool, oo 5 kamid ah ay ahaayeen rigoorayaal, wuxuu kahadlay qaabka goonida uu ulaado rigoorada "Waxaan indhaha kuhaaya goolhayaha waxaana sugaa illaa waqtiga ugu danbeeyo, markaas goolhayaha wuxuu aadayaa midig ama bidix, waxaana dhigaa dhanku aado maahane dhanka kale, aniga iyo walaalkey ayaa kutababarano gurigeena sida lootuuro rigoorada, laadka xorta ah”.

Hazard ayaa kasheekeeyay qoyskiisa isagoo sheegay inay dhamaantood kubada cagta ciyaaran "Reer Hazard waa afar aniga Eden Hazard oo 23 jir ah, Thorgan Hazard oo 21 jir ah wuxuu amaah ugu ciyaara Zulta Wregem, Chelsea ayuuse katirsan yahay, Kylian Hazard oo 19 jir ah oo uciyaarayo juunyarka Lille waxaana carbuuntay Chelsea si ay ulasoo wareegto markuu weynaado, iyo Ethan oo 11 jir ah isna waa ciyaaryhan”, mar laweydiiyey qof ugu fiican ee ciyaara kubada cagta qoyskiisa ayuu sheegay inay tahay "Hooyo, ayada ugu fiican, qof walbo oo qoyskeena wuxuu ciyaara kubada cagta” iyadoo la ogyahay in Hazard hooyadiis ay uciyaari jirtay gabdhaha xulka qaranka Belgium, halka aabihiisna uu aha ciyaaryahan kaciyaari jiray horyaalka Belgium.

Markasta Ku Hay  dhayahaga shabaklada calamiga ee Afkashacabka had iyo Goor