Xaalada Xisbiga Kulmiye Ayaa Meeshii Ugu Xumayd Marysa Ka Dib Markii Maanta Ay Isfarasaareen Masuuliyiin Sar Sare Oo Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye

0
Saturday April 26, 2014 - 21:31:45 in by salman abdi
  • Visits: 1050
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaalada Xisbiga Kulmiye Ayaa Meeshii Ugu Xumayd Marysa Ka Dib Markii Maanta Ay Isfarasaareen Masuuliyiin Sar Sare Oo Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye

    Xaalada Xisbiga Kulmiye Ayaa Meel Adag Gaadhay Ka Dib Markii Ay Is Fara Saareen Xubno Xisbigaasi Ka Tirsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalada Xisbiga Kulmiye Ayaa Meel Adag Gaadhay Ka Dib Markii Ay Is Fara Saareen Xubno Xisbigaasi Ka Tirsan.

, Dhacdooyinkii Ugu Dambeyey Ee Ka Dhacay Saaka Xarunta Kulmiye Waxa Mid Ahaa Markii Ay Is Afdhaafeen Xildhibaan Reer Boorama Ah Iyo Guddoomiyaha Guddida Qabanqaabada Abokor Xaamud Jibriil Waxaana Dhex Martay Gacan Ka Hadal Laysku Adeegsaday Feedh, Waxana Ilkaha Laga Dhiijiyey Xildhibaankii Kadib Markii Uu Guddoomiyuhu Feedh Ku Dhuftay, Dad Goob Joogayaal Ah Ayaa Sheegay In Xildhibaankii La Qaban Kari Waayey, Waxana La Sheegay In Guddomiyaha Oo Meel Socda Uu Ka Daba Tagey Dushana Kaga Fadhiistay, Waxase Kala Qabtay Markii Labaad Ciidankii Booliska Ahaa Ee Meesha Ku Sugan.

Dhacdo Kale Ee Saaka Dhacday Ayaa Waxay Ahayd Wasiirka Caafimadka Xaglatoose Ayaa Isagan Saaka Waxa Faadhey In Sheegayey In Ergooyinka Laga Reebay Oo Wasiirka Isku Hayb Yihiin, Dhanka Kale Waxa Iyguna Saaka Dagaal Ka Dhex Qarxay Ergooyinkii Iyo Masuuliyiin Ka Socday Gobolka Sool Ee Dhulbahante Oo Dhexdooda Khilaaf Culusi Ka Dhextaagan, Kuwaasi Oo Mareyn Kari La’ In Ay Soo Xulan Ergooyinka,.

Dhanka Kale Beesha Samaroon Ayaa La Sheegay In Liiskeedii Dib Ay Ula Noqotay, Kadib Markii Ay Isku Mari Waayeen Hanaankii Ay U Qaybiyeen Ergooyinka, Beesha Arab Ayaa Iyaguna Illaa Duhurkii Maanta Is Haystay Kadib Markii Ay Isku Qabsadeen Liisas Ay Kala Wateen Wasiirka Cadaalada Xussen Axmed Caydiid Iyo Qabbo Oo Isaguna Ahaa Xubnihii Xaqsoor Kaga Soo Biiray Kulmiye.

Beesha Makaahiil Oo Dhawaan Qaadacday Ayaan Illaa Hada Liiskii Ergooyinka Keenin Iyaga Wali Ku Adkaysnaya Go’aankoodii Ahaa In Aanay Ka Qaybgalin Shirweynaha. Dhanka Kale Beelaha Sacad Muuse Ayaa Wali Iyaguna Khilaaf Culusi Ka Dhex Taagan Yahay. Waxa Kale Oo Maanta Xarunta Kulmiye Ku Sugnaa Madaxweyne Ku-Xigeenka Oo Markii Uu Salaadii Roobdoonta Ku Tukaday Garoonka Dhalinta Kacaanka Oo Aan Waxa Baddan Aan U Jirin, U Dhaafay Xarunta Kulmiye, Waxaana Uu Meesha U Tagay Ayaa La Sheegay In Uu Xaliyo Khilaafka Culus Ee Ka Dhex Jirra Beeshiisa Ee Dhinca Ergooyinka .



Afkashacabka.com 

Haragaysa/Office 

 contact@afkashacabka