Mujaahid Ooto Biixi ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Murashaxa Madaxwayne ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo sheegay inuu ilmaadeeradii soo sa-sabi doono halka uu carabka ka laliyay Xildhibaan Kijaandhe oo murashaxiintaasi la dhinac ahaa.
Ooto Biixi oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi "Muuse wuxu yidhi ilmaadeeraday gurigooda ayaan ugu tagaya waxaanu leenahay ilmaadeeradaa u tag waliba gurigooda seexo laakiin Kijaandhe inuu isna ilmaadero leeyihiin ogow waxaana iswaydiin leh ninka calanka KULMIYE leeyahay xaafadayda Axmed Dhagax keenaya waa kee, Muusena marka uu hadlo boqol kun oo qof ayaa ka go’a malaha aamuska ayaa laguu qaatay, Insha allahu ciyaarina way dambaysaaye ha inoo bilaabanto”
Muj ooto Bixi oo Hanjabaad aan caadi ahayn u diray Muuse Bixi kana hadlay Erayadii Qabyaaladaysna ee Muse Bixi ka jediyey Shirki kulmiye
"Muusaw Ilmaadeeradaa Gurigooda Ugu Tag Oo weliba Seexo , Laakiin Kijaadhe Inuu Ilaamdeero Leeyahay Ogow.." Muj. Ooto Biixi