Daawo: Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo saaka kormeer ku tegey waddada isku xidhaysa Berbera iyo hargeysa oo Dib u dhis ballaadhani ka socdo +SAWIRO

0
Wednesday February 12, 2014 - 17:19:15 in by Super Admin
  • Visits: 945
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo saaka kormeer ku tegey waddada isku xidhaysa Berbera iyo hargeysa oo Dib u dhis ballaadhani ka socdo +SAWIRO

    Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa saaka kormeer ku tegey waddada isku xidhaysa Berbera iyo hargeysa oo Dib u dhis ballaadhani ka socdo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa saaka kormeer ku tegey waddada isku xidhaysa Berbera iyo hargeysa oo Dib u dhis ballaadhani ka socdo


Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo ay Wehelinayeen Maareeyaha Wadooyinka, Engineer-ada u xilsaaran wadooyinka iyo La-taliyaha EU-da u qaabilsan Wadooyinka iyo koox suxufiyiin ah ayaa saaka waxay kormeer ku soo mareen dib u dhiska wadada Berbera ilaa Lafa-ruug oo hada maraysa Xamaas lana sii wadi doono ilaa laga gaadhayo Degmada Sheekh.

waxa halkaasi war bixin ka siiyey wasiirka Madaxtooyada Maareeyaha wadooyinka, Engineer-ada qaar ka mid ah, sidoo kalena waxa halkaasi ka hadlay wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Xirsi Cali Xaji Xasan iyo La-taliyaha Arrimaha Wadooyinka ee EU-da u qaabilsan Somaliland.

Wasiirku waxa kale oo uu soo kormeeray meelihii daadku waxyeelada u geysteen ee burburka iyo dhaawac uu soo gaadhay Laamiyada una dhawayd dooxyada kuwaas oo noqday jarar iyo meelo khatar gelisay baabuurta balse si degdeg ah looga hawalgalay.

Waxa xusid mudan oo in wasiirku sheegay in dhawaan ay iman doonaan Qalabkii wadada Ceerigaabo iyo in la bilaabi doono wadada u dhaxaysa Kala baydh iyo Dilla dhawaan.

Maaha markii uhoreysay ee uu wasiirka Madaxtooyada Somaliland iyo wefti ballaadhan oo u hogaaminayaa kormeer ku tagaan dhismaha waddada isku xidha Berbera iyo Hargeysa.

 

Afkashacabka.com

Hargeysa /Somaliland