Safaaradii Somaliya Ee Dalka Maraykanka Oo Dib Loo Furay Iyo Masuuliyiin Hor Leh Oo Ka Soo Qayb Galay+Sawiro

0
Thursday November 19, 2015 - 16:56:20 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safaaradii Somaliya Ee Dalka Maraykanka Oo Dib Loo Furay Iyo Masuuliyiin Hor Leh Oo Ka Soo Qayb Galay+Sawiro

    Arbacadii shalay oo Taariikhdu ay ku beegnayd 18-ka November, 2015-ka, ayaa magaalada Washington ee xarunta Maraykanka waxaa ayaa xarigga looga jaray safaaradda Somalia ee dalka Maraykanka, iyadoo safaaraddu ay xirnayd ku dhawaad 25-sano.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbacadii shalay oo Taariikhdu ay ku beegnayd 18-ka November, 2015-ka, ayaa magaalada Washington ee xarunta Maraykanka waxaa ayaa xarigga looga jaray safaaradda Somalia ee dalka Maraykanka, iyadoo safaaraddu ay xirnayd ku dhawaad 25-sano.


Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa 18-kii, September, 2015-ka waraaqahii aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay danjiraha cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabay Mareykanka, Axmed Ciise Cawad oo xarigga ka jaray xafiiska cusub ee safaaradda Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ku wehlinayay qunsulka cusub, Thaabit Cabdi Maxamed.

Xafladda furitaanka safaaradda lagu taagay Calanka buluugga ah ee Soomaaliya, kaasoo laga suray qaybta sare ee safaaradda Somalia ee Washington. Safiirka Somalia ee dalka Mareykanka, Axmed Ciise Cawad ayaa waxaa xilkan safiirnimo ee loo magacaabay kaga horreeyay, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo dhowr bilood kaddib loo magaacabay ra’iisul waasaraha Soomaaliya.

 

Danjire A Cawad ayaa Yidhi "Aad ayaan ugu faraxsanahay inuu calankii Soomaaliya dib uga luxanayo hawada Washington DC muddo 24-sano ah kaddib.” Isagoo intaas ku daray. "Furitaanka safaaradan dan badan ayaa ug jirta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.”

Madaxdii iyo marti-sharaftii kasoo qayb-gashayna xafladda furitaanka safaaradda Somalia ee Washington waxaa ka mid ahaa; wasiirka arimaha dibadda Somalia, C/salaan Hadliye Cumar, wasiirro hore, xildhibaanno Soomaali ah, Senator Amy Klobuchar iyo Rep. Keith Ellison oo matalaya gobolka Minnesota, ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda ee u qaabilsan Afrika, Linda Thomas- Greenfield.

Sidoo kale, waxaa kasoo qayb-galay xafladda safaarado badan oo ka kala socday dawlado badan oo kala duwan iyo boqollaal dadweyne ah oo aad u faraxsanaa; kuwaasoo ka kala yimid gobollada Maraykanka iyo dalka Canada kuwaasoo u soo socdaalay inay ka qayb-galaan furitaanka safaaradooda.


Contact@afkashacabka.com