
Barcelona Oo Samaysay Soo Laabasho Layaab Leh Kadib Markii Ay Garaacday Villarreal.
ayaa wax badan ka badalay weerarka Barcelona oo uu ka muuqday caajis badan ka hor inta uu san soo galin.
Ciyaarta ayaa ku bilaabatay kubad haysashada Barcelona iyadoo Villarreal ay intabadan xooga saaraysay weerarada rogaal celiska ah, 23 daqiiqo Pereira ayaa u soo dhawaaday inuu gool u dhaliyo Villarreal lakiin kubadii uu shuuday Bartra ayeey ku dhacday.
Barcelona ayaa laga dareemayay hoos u dhac dhanka weerar ka ah, 45 daqiiqo Cani ayaa 1-0 ka dhigay ciyaarta isagoo hogaanka u dhiibay kooxdiisa, Pereira ayaa baas fiican u dhigay Cani isagoo si daba mariyay gool haye Pinto, Qaybtii hore ayaa ku soo idlaatay 1-0 oo ay ku hogaaminayso Villarreal.
Qaybtii danbe Barcelona ayaa sii wadatay hurdadeeda, 55 daqiiqo Trigueros ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa Villarreal kadib markii uu shabaqa Pinto dhex dhigay kubad uu ka helay Aqunio isagoo ciyaarta ka dhigay 2-0.
Barcelona ayaa waagu ku baryay iyadoo Tata Martino uu horay ka soo galiyay Fabregas wuxuuna ciyaarta ka saaray Xavi, 4 daqiiqo ka dib Barcelona ayaa heshay gool keeda koowaad ee ciyaarta waxaana iska dhaliyay Paulista kadib markii ay ku dhacday kubad uu soo shuuday Alves ka hor inta aysan sii galin goolka.
77 daqiiqo Barcelona ayaa heshay goolka labaad waxaana iska dhaliyay Musacchio, Barcelona ayeey neeftu ku soo laabtay kadib markii ay noqotay ciyaarta 2-2.
83 daqiiqo Lionel Messi ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa kadib markii uu shabaqa dhex dhigay kubad uu ka helay Fabregas isagoo ciyaarta ka dhigay 2-3.
84 daqiiqo Villarreal ayaa dalbatay in loo dhigo rigoore inkasta oo uu calan waduhu tilaamay rigoore lakiin garsooraha ayaa iska indho tiray kadib markii Busquets uu qalad ku galay Giovani dos Santos, ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 2-3 oo ay guushu ku raacday Barcelona.
Afkashacabka.com Markasta Iyo Wakhti Kasta Kale Saco Wararki Udanbayay iyo Ciyarahii Udanbayay
Barcelona Oo Samaysay Soo Laabasho Layaab Leh Kadib Markii Ay Garaacday Villarreal.
Kooxda Barcelona ayaa caawa samaysay soo laabasho layaab laheed kadib markii ay guul u rogtay 2 gool oo looga hormaray, Barcelona ayaa 2-0 lagu hogaaminayay ciyaarta ilaa daqiiqadii 60 aad lakiin Fabregas oo badal ku soo galay