Daawo;-Jaaliyada Somaliland Ee Dalka Jarmalka Oo Hogaan Cusub Doortay +Daawo Sawirada.

0
Thursday November 19, 2015 - 21:32:24 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo;-Jaaliyada Somaliland Ee Dalka Jarmalka Oo Hogaan Cusub Doortay +Daawo Sawirada.

    Waxa habeen hore lagu qabtay Magaalada Stuttgart ee dalka Germanay shirwaynihii Doorashada hogaanka Dallada guud ee jaaliyada Somaliland ee dalka Jarmalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa habeen hore lagu qabtay Magaalada Stuttgart ee dalka Germanay shirwaynihii Doorashada hogaanka Dallada guud ee jaaliyada Somaliland ee dalka Jarmalka.




Shirkan oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxa ka qayb-galay dhamaanba ergooyin ka kala socday lix iyo tobanka gobol ee uu ka soo kooban yahay dalka Jarmalku.


Shirkan oo saacado badan qaatay waxa lagu dooranayey jagooyinka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku Xigeenka ee Dallada Guud ee Jaaliyada Somaliland ee dalka Jarmalka.



Waxa jagada Guddoomiyaha u tartamayey laba musharax halka jagada Guddoomiye Ku Xiggeenka Dalladana ay u tartameen laba Musharax oo kale.

Waxaana gabagabadii si gacan taag ah loogu doortay in uu noqdo Guddoomiyaha Dallada Guud ee Jaaliyada Somaliland Mudane Cabdifataax Cismaan Cigaal, halka Guddoomiye Ku Xiggeenkana loo cumaamaday Cabdirashiid Ducaale.

Doorashada ka dib waxa halkaasi ka hadlay hogaanka cusub ee la doortay iyo qaar ka mid ah ergooyinkii shirka ka soo qayb-galay.

Hogaanka cusub ee loo doortay Dallada ay ku midoobeen Jaaliyada Somaliland ee dalka Jarmalka ayaa dallada hagi doona muddo laba sanno ah.

Haddaba Halkan Ka Daawo Guddoomiyaha Cusub Ee Dallada Loo Doortay Cabdifataax Cismaan Cigaal


Contac@afkashacabka.com