New York: Kongareeska Dalka Mareyaknaka Oo Diiday Qaxootiga Wadanka Suuriya

0
Friday November 20, 2015 - 13:25:28 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    New York: Kongareeska Dalka Mareyaknaka Oo Diiday Qaxootiga Wadanka Suuriya

    Aqalka Wakiilada ee Congresska Mareykanka ee ay maamulaan xubaha xisbiga Jamhuuriga ayaa u codeeyay Qamiistii shalay in la joojiyo qorshaha madaxweyne Obama ee dib u dejinta u sameeynaya ilaa iyo 10 kun oo qaxooti reer Syria ah sanadka soo socda, laa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqalka Wakiilada ee Congresska Mareykanka ee ay maamulaan xubaha xisbiga Jamhuuriga ayaa u codeeyay Qamiistii shalay in la joojiyo qorshaha madaxweyne Obama ee dib u dejinta u sameeynaya ilaa iyo 10 kun oo qaxooti reer Syria ah sanadka soo socda, laakiin madaxweyne Obama ayaa wacad ku maray inuu Awooddiisa Vetoga uu adeegsan doono, haddii Arinta ay ka soo gudubto Aqalka Congresska.



Madaxweyne Obama oo ka hadlayay shir madaxeedka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha ee dalalka Kulaala badda Pacifigga(APEC) ee ka dhacayay caasimadda dalka Philipines ee Manila, ayaa bidhaamiyay inuu rajeynayo in qorshihii dib u dejinta qaxootiga Syria uu meel marayo.

Copngresska ayaa u kala codeeyay 289 mudane oo diida qorshahay iyo 137 ogolaatay.

Mudanayaasha Jamhuuriga ayaa ku doodaya in Qaxiitiga Syria laga yaabo inay ku soo dhex dhuuntaan xubno ka tirasan ururka ISIS oo weeraro la mid kuwii Paris ka fuliya Mareykanka. 



Contact@afkashacabka.com