Madaxweyne Obama Oo La Kulmay Ra'iisal Wasaaraha Cusub Ee Dalka Canada+Sawirro.

0
Friday November 20, 2015 - 13:44:34 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Obama Oo La Kulmay Ra'iisal Wasaaraha Cusub Ee Dalka Canada+Sawirro.

    Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama, ayaa waxa uu la kulmay Ra'iisal Wasaaraha cusub ee dalka Canada, Justin Trudeau, markii ay isu arkayn shirka wadamada Pacific-ga, ee ka soconaaya dalka Philippine.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama, ayaa waxa uu la kulmay Ra'iisal Wasaaraha cusub ee dalka Canada, Justin Trudeau, markii ay isu arkayn shirka wadamada Pacific-ga, ee ka soconaaya dalka Philippine.

12

Canadian Prime Minister Justin Trudeau, left, takes part in a bilateral meeting with U.S. President Barack Obama at the APEC Summit in Manila, Philippines on Thursday, November 19, 2015. THE CANADIAN PRESS/Sean Kilpatrick

456

AppleMark

9

Kulankan oo ka qabsoomay Magaalada Manila, ayaa waxay kaga wada hadleen weeraradii Magaalada Paris, dagaalka lagula jiro Ururka Daacish iyo sidii ay Canada qayb kaga noqon laheyd dagaalkaasi.

Inkastoo Ra’iisal Wasaaraha Canada uu bishii hore sheegay inaysan Canada qayb ka sii ahaan doonin isbahaysiga uu Mareykanku hogaamiyo, ee la dagaalamaaya Ururka Daacish, ayuu hadana Khamiistii sheegay in Canada ka qayb qaadan doonto burburinta Daacish.

Dhinaca kale Ra’iisal Wasaare Justin Trudeau oo Sabtidii sheegay in Canada ay garab taagan tahay Faransiiska, ayaa isagoo taageero u muujinaaya ballanqaaday in Xukuumadda Ottawa, ay gacan ka gaysanayso wiiqitaanka Daacish.

Madaxweyne Obama, ayaa ku baaqaaya in halmeel looga soo wada jeesto Ururka Daacish, maadaama aysan halis ku ahayn cid gaar ah, oo dunida oo idil ay dagaal kula jirto.

Wadamada reer galbeedka, ayaa waxay baqdin xoogani ka muujiyeen weeraradii Magaalada Paris, xilli masuuliyadda weeraradaasi ay sheegatay Daacish.

Contact@afkahsacabka.com