Afhayeenka Salaadiinta Somaliland Oo Cadeeyay In Madaxdhaqameedku Ka Qayb Gelayaan Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya Ee Turkiga.

0
Sunday November 22, 2015 - 15:18:12 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenka Salaadiinta Somaliland Oo Cadeeyay In Madaxdhaqameedku Ka Qayb Gelayaan Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya Ee Turkiga.

    Afhayeenka Salaadiinta Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo in dawladda Turkigu wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya u wareejiso dhinaca madaxda dhaqanka Somaliland iyo Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka Salaadiinta Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo in dawladda Turkigu wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya u wareejiso dhinaca madaxda dhaqanka Somaliland iyo Somaliya.

Suldaan Xiirey oo u waramay Telefishanka Universal ayaa sheegay inay madaxda dhaqanku ku haboon yihiin inay galaan wada hadalkada labada dal. "Waxaanu u aragnaa haddii aanu madaxda dhaqanka, culimada iyo cuqaasha nahay inaanu geli karno waanan soo dhawaynaynaa, waxaanay soo gaadhay xilligii aanu arrinta soo geli lahayn,.” ayuu yidhi Suldaanku, isagoo intaas raaciyay "Waxaanan u aragnaa inaanu annagu geli karno, siyaasiyiinta ka hadlayana talada qarankani cid gaar ah taladeedu malaha, talada dalkani siyaasi, asxaab, culimo iyo bulshadaba way u simanyihiin, taladuna tallo afar nin ka go’da maaha, markaas waxaanu leenahay waanu soo dhawaynaynaa, taladana waxbaanu ku leenahay.” Suldaan Yuusuf Xiirey.

 

wuxuu ku nuux-nuuxsadya inay madaxda dhaqanku qaadanayaan doorkooda


Contac@afkashacabka.com