Dawladda Somaliya Oo Dhabarka U Jeedisay Cali Khaliif, Beenisayna Inay La Dhisayso Maamul
Mar la weydiiyay qaabka ay ula macaamilaan Cali Khaliif wuxuu yidhi "Cali khaliif raysalwasaare hore ayuu ahaa in la qaabilanaa mar walba waa qasab, taasi dhibaato badan kuma jirto.”
Wasiir Odowaa oo la weydiiyay hadalada uu Cali Khaliif Buuhoodle ka sheego ee ah inuu dawladda Muqdisho ka haysto balanqaad ah in la dhiso maamul Sool iyo Sanaag ah wuxuu yidhi "Dedaalkaas hadda isagaa Buuhoodle jooga. Qorshaha uguma jirto wasaaradda arrimaha gudaha dhismaha maamulkaasi.”
Hadalkan dawladda Somaliya ayaa noqonaya dhirbaaxo siyaasadeed oo ku dhacday siyaasiga Cali Khaliif oo toddobaadkan markii uu ka tagay Buuhoodle ku sii hakaday Muqdisho, isagoo haddana jooga magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.
Cali Khaliif ayaa toddobaadkan magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ka furaya shir uu u qabanayo siyaasiyiin Somaliland diid ah oo ka soo kala jeeda gobalada Sool iyo Sanaag, waana qorshaha uu ku doonayo inuu dawladda Somaliya kaga dhaadhiciyo in loo dhiso maamul ka kooban labadaas gobol oo dibad wareeg ah, taas oo u muuqata inay noqotay siyaasad ay dawladda Somaliya ka hortimid
Dawladda Somaliya Oo Dhabarka U Jeedisay Cali Khaliif, Beenisayna Inay La Dhisayso Maamul
Dawladda Somaliya ayaa dhabarka u jeedisay qorshe uu wato siyaasiga cail Khaliif ee horboodaha ka ah kooxda Khaatumo kaas oo ah in loo sameeyo maamul ku magacaaban Sool iyo Sanaag oo ah inay dawladda Somaliya si toos ah u soo farogeliso deegaanada Ja