Diyaarad Laga Leeyahay Dalka Turkish Oo Loga Shakisanaa Inay Saran Yahiin Walxaha Qarxa Oo Fadhistay Dalka Canada

0
Sunday November 22, 2015 - 21:37:54 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad Laga Leeyahay Dalka Turkish Oo Loga Shakisanaa Inay Saran Yahiin Walxaha Qarxa Oo Fadhistay Dalka Canada

    Diyaarad nooceedu yahay Turkish Airlines oo ka soo duushay magaalada New York ayaa loo weeciyay dalka Canada kadib markii laga shakiyay in diyaaradda uu Bam saaran yahay. Diyaaradan oo ku sii jeeday dalka Turkiga ayna saarnaayeen 256 qof ayaa la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaarad nooceedu yahay Turkish Airlines oo ka soo duushay magaalada New York ayaa loo weeciyay dalka Canada kadib markii laga shakiyay in diyaaradda uu Bam saaran yahay. Diyaaradan oo ku sii jeeday dalka Turkiga ayna saarnaayeen 256 qof ayaa lagu dejiyay garoonka diyaaradaha ee Halifax bariga dalka Canada. Booliska Canada ayaa la sheegay in ay baaritaan ku sameynayaan diyaarada balse illaa iyo hadda ma bixin wax faahfaahin ah.


Arrintan ayaa imanaysa iyadoo ay jirto cabsi ka timid kadib markii dhowaan diyaarad ka duushay magaalada Sharma al-Sheikh ee dalka Masar ay burburtay, Burburka diyaaradan ayaa waxaa sheegtay ururka IS iyadoo markii dambana la cadeeyay in bam lagu dhex qariyay qeybta xamuulka diyaarada,

Sidoo kale toddobaad kahor ayaa weerar lagu qaaday magaalada Paris waxaa ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shakiga diyaarada in bam uu saaran yahay ayaa waxaa uu soo baxay kadib markii diyaarada ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee John F Kennedy.

Toddobaadkii hore ayay aheyd markii labo duulimaad oo diyaarada Air France ah looga shakiyay in bam uu saaran yahay, iyadoo si deg-deg ah loogu dejiyay diyaaradahaas Canada.




Contact@afkashacabka.com