Xukummada Somaliland Oo Waxba Majiraan Ku Tilmaamtay Inay Dowlada Ingriiska Somaliland Ka Dalbatay Inay Wasiiradi iscasilay Shaqadoodi uu Soo Celiso

0
Sunday November 22, 2015 - 21:50:10 in by salman abdi
  • Visits: 767
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukummada Somaliland Oo Waxba Majiraan Ku Tilmaamtay Inay Dowlada Ingriiska Somaliland Ka Dalbatay Inay Wasiiradi iscasilay Shaqadoodi uu Soo Celiso

    Xukuumadda Somaliland, ayaa deedefeysay jiritaanka warar lagu sheegay in dawladda Ingiriisku ugu soo jeedisay dib u soo celinta xubno hore isaga casilay xilalkooda Wasiirnimo, maaddaama oo ay taageersan yihiin Fikirkooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Somaliland, ayaa deedefeysay jiritaanka warar lagu sheegay in dawladda Ingiriisku ugu soo jeedisay dib u soo celinta xubno hore isaga casilay xilalkooda Wasiirnimo, maaddaama oo ay taageersan yihiin Fikirkooda.
22.11.2015 Xukuumadda Somaliland, ayaa deedefeysay jiritaanka warar lagu sheegay in dawladda Ingiriisku ugu soo jeedisay dib u soo celinta xubno hore isaga casilay xilalkooda Wasiirnimo, maaddaama oo ay taageersan yihiin Fikirkooda.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Soamalioland Dr. Sacad Cali Shire oo Wargeyska Himilo xalay wax ka weydiiyey xogo Wargeyska Indian Ocean Newsletter ku sheegeen in Dublmaasiyiin ka socda Safaaradda Ingiriisku ku leeyahay Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa kaga codsadeen Madaxweyne Axmed-Siilaanyo inuu dib u soo celiyo Wasiirradii xilka iska casilay, ayaa sheegay inaanay jirin, isla markaana wararkaasi xaqiiqo ahayn.
 

Wargeyska Indian Ocean Newsletter ayaa war uu qoray 20-ka bishii November, 2015-ka qoray waxa uu ku yidhi; "Ka dib, isku-dey afgembi dastuur oo 26 Oktober Wasiirkii Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan, laba dublamaasi ka socda safaarada Ingiriiska ee Addis Ababa, Cat Evens & Lizzie Lovett ayaa kulan la yeeshay xukuumada Somaliland 11 November. Sida warar xog-ogaal aannu ku helnay, waxay codsadeen dib u soo celinta 13 Wasiirro iyo Wasiir Ku-xigeenno taageersanaa is-casilaadda Wasiir Xirsi, oo xubin dhaw ka ah Ururka (Damu-jadiid) oo xidhiidh dhaw la leh Xisbiga Conservative Party ee Raysal-wasaare David Cameron.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warbixinta uu qoray Wargeyska Indian Ocean oo luuqadda Ingiriisida ku qornayn.
Hase-yeeshee, Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo Wargeyska Himilo u warramay xalay waa uu beeniyey jiritaanka warkaas, waxaanu su’aasha laga weydiiyey xaqiiqada warkaas uu kaga jawaabay; "Socdaalkii Dublamaasiyiin ka socday Safaaradda Ingiriiska ee Addis Ababa ku yimaaddeen 11 November dalka iyo kulankii ay la yeesheen Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, qeyb ayaan ka ahaa, haba-yaraatee, ma jirto hadal iyo codsi ay ku soo jeediyeen arrimaha aad I weydiisay, ee soo celinta Wasiirradii xilka iska casilay. Weftiga ka socday Ingiriisku kulankii Madaxweynaha iyo kulan aan gaar ula qaatay, labadaba waxay ka hadleen hawlaha la xidhiidha u diyaargarowga arrimaha doorashooyinka iyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha.”
Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire oo sidoo kale wax laga weydiiyey jiritaanka hindise la sheegay in waddamadda Qaadhaan-bixiyeyaashu ugu soo jeediyeen Xukuumadda Somaliland inay kordhiso qeybtii ay ka bixin jireen dhaqaalaha doorashooyinka iyo diiwaangelinta ee 25% boqolkiiba ahaa, ayaa ku jawaabay, inaanu jirin hindise noocaas ah oo waddamadda Qaadhaan-bixiyeyaashu u soo jeediyeen, laakiin, ka hadleen arrin kale, waxaanu yidhi; "Kulan dhawaan Wasiirro Somaliland ah ay kula yeesheen Wefti metelayey waddamadda arrimaha doorashooyinka innaga taageera Hargeysa, waxay ku sheegeen inuu jiro korodh kharashaad ay sababeen dib u dhigga wakhtigii doorashooyinka iyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha Somaliland, isla markaana u soo jeediyeen Xukuumadda inay ka qeybqaadato bixintooda.”
"Wadamadda Qaadhaan-bixiyeyaashu si weyn ayey diyaar ugu yihiin taageerida iyo bixinta dhaqaalahii dhinacooda ee doorashooyinkeena iyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo u qorshaysnayd inay bilaabmato horaanta bisha dambe ee sannadkan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire.
Sidoo kale, Wargeyska Himilo oo xidhiidho la sameeyey Dublamaasiyiinta Cat Evens & Lizzie Lovett, ee Safaaradda Ingiriiska ee Addis Ababa ee warka Indian Ocean Newsletter lagu sheegay inay dalab la xidhiidha Wasiirradii is-casilay u gudbiyeen Xukuumadda Somaliland, ayaanay noo suurtoobin inaannu dhinacooda jawaab ka helno weli, balse Caddadtada danbe ee Wargeyska Himilo, ayaannu idiinku soo gudbin doonnaa haddii Allaah yidhaahdo oo aannu dhankooda wax jawaab ah ka helno.

Contact@afkashacabka.com