Wakiilki U Fadhiyay Somalia Ee Dalka Masar Oo Qaahira Ku Geeriyooday.

0
Sunday November 22, 2015 - 22:00:30 in by salman abdi
  • Visits: 704
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wakiilki U Fadhiyay Somalia Ee Dalka Masar Oo Qaahira Ku Geeriyooday.

    Danjirhii Somalia u fadhiyay Masar, ahaana ergayga Somalia ee Jaamacadda Carabta Cabdullaahi Xasan Maxamuud ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masra, kaddib xanuun lasoo darsay. waxaanan idiin soo gudbinaynaa Taariikh Nolole

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Danjirhii Somalia u fadhiyay Masar, ahaana ergayga Somalia ee Jaamacadda Carabta Cabdullaahi Xasan Maxamuud ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masra, kaddib xanuun lasoo darsay. waxaanan idiin soo gudbinaynaa Taariikh Nololeedkii Marxuumka oo ku geeriyooday da'da 72-sano jir.

Marxuum Cabdullaahi Xasan Maxamuud ayaa wuxuu sidoo kale ahaa dublamaasi isku xira Somalia iyo dalalka Jaamacadda Carabta, isagoo warbaahinta caalamka intooda badan uga warbixin jiray xaaladda ay ku sugan tahay Somalia.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa ku tilmaamay marxuumka inuu ka mid ahaa tiirarkii aasaaska u ahaa dublamaasiyada Soomaaliya, isagoo Illaahay uga baryay inuu Jannaadiisii Fardowso ka waraabiyo.

"Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. ALLE ha u naxariisto marxuum C/llaahi Xasan Maxamuud wuxuu ka mid ka mid ah tiirarkii aasaaska u ahaa dublamaasiyada Soomaaliya. Waxaa khibraddiisa u dheereyd dadaal gaar ah oo u ugu adeegayay Qaranka Soomaaliyeed muddadii aan burburka ku jirnay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Somalia ayaa marxuumka uga baryay ALLE inuu naxariistii Jannadiisa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan ka siiyo. 



Contact@afkashacabka.com