Caasimadda Yurub Ee Brussels Oo Wali Ku Jirta Xaaladi Ammaan Adkaynta Iyo Dad La Qabqabtay.

0
Monday November 23, 2015 - 22:24:05 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caasimadda Yurub Ee Brussels Oo Wali Ku Jirta Xaaladi Ammaan Adkaynta Iyo Dad La Qabqabtay.

    Dowladda Belgium ayaa sare u qaaday feejignaanta cabsida laga qabo weeraro argagixiso oo dhaca, iyadoo uu socdo baadigoobka loogu jiro ninka lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa weerarkii Paris, kaasoo gudaha Belgium laga baadigoobayo.Ciidamada sida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Belgium ayaa sare u qaaday feejignaanta cabsida laga qabo weeraro argagixiso oo dhaca, iyadoo uu socdo baadigoobka loogu jiro ninka lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa weerarkii Paris, kaasoo gudaha Belgium laga baadigoobayo.Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee la dagaalanka Argagixisada ayaa saacadihii la soo dhaafay xiray illaa 16 ruux, sida uu xaqiijiyay dacwad Belgium Eric Van Der Sypt, kaasoo sheegay in dadka la qabtay aanu ku jirin Saleh Abdelsam.Howl galada ayaa laga sameeyay illaa 19 goobood oo ku kala yaala Caasimada Brussels iyo Molenbeek, waxaana ciidamada rasaas ku fureen gaari ay ka shakiyeen, iyagoo qabtay labo qof oo gaariga saarnaa.


Ra’iisul Wasaaraha Belgium Charles Michel ayaa xaqiijiyey in heerka feejignaanta ee magaalada Brussels uu sii ahaan doono mid aad u sarreeya, iyadoo sababtuna tahay khatar aan la dhayalsan karin oo sii socota oo muujinaysa inay dhici karaan tiro weerarro ah oo ay kooxo islaamiyiin ah qaadaan, kuwaasoo daba socda weerarradii Paris.

Waxaa maanta oo Isniin ah xiran goobaha dukaamada, iskuulada, jaamacadaha iyo tareenada dhulka hoostiisa laga raaco, waxaana meelaha dadka isugu yimaadaan lagu arkay ciidamo badan oo hubeysan.

Dhinaca kale Mohamed Abdelsam oo ay walaalo yihiin ninka sida aadka ah loo doon doonayo Saleh Abdelsam ayaa ugu baaqay inuu ciidamada isku dhiibo.

image

Warbaahinta gudaha ee Belgium ayaa sheegeysa in Saleh Abdesalam uu soo galay gudaha Belgium 14 bishii, isla markaana gaari nooca BMW uu watay. Dalalka Yurub ayaa sare u qaaday feejignaanta dhinaca ammaanka, kadib weerarkii Paris lagu qaaday, waxaana la adkeeyay ammaanka garoomada iyo xuduudaha.

Contact@afkashacabka.com