Cali Khaliif Oo Madaxwaynaha Somaliya Weeraray,Kuna Andacooday In Somaliya Laga Aqoonsaday Somaliland. Cali Khaliif

0
Monday November 23, 2015 - 22:41:26 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Khaliif Oo Madaxwaynaha Somaliya Weeraray,Kuna Andacooday In Somaliya Laga Aqoonsaday Somaliland. Cali Khaliif

    Hogaamiyaha kooxda nabad diidka ah ee Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, ayaa dhawaan munaasibad uu Nairobi kaga qayb galay wuxuu ka jeediyay khudbad muujinaysa tawaawac iyo tamar darrada qorshihiisa siyaasadeed oo uu hadda u bedelay mid qabyaaladaysan o

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamiyaha kooxda nabad diidka ah ee Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, ayaa dhawaan munaasibad uu Nairobi kaga qayb galay wuxuu ka jeediyay khudbad muujinaysa tawaawac iyo tamar darrada qorshihiisa siyaasadeed oo uu hadda u bedelay mid qabyaaladaysan oo uu ku doonayo inuu midnimo iyo taageero ka raadsado beelaha Sanaag bari iyo Sool.


Cali Khaliif oo aqoon yahannimo lagu tuhmayay sidoo kalena siyaasadda ka gaadhay Ra’isal wasaare ayaa hadda u muuqda mid ku jaahwareeray aragti gaaban oo aan ka soconayn, sidoo kalena mixnad iyo qabyaalad ku wajahan bulshooyinka la dariska ah beeshiisa uu miciinsaday.

Cali Khaliif munaasibaddan ay joogeen dad ka soo jeeda gobolada bariga Somaliland ee Sanaag bari iyo Sool, wuxuu ka muujiyay inuu quus ka joogo maamulka Muqdisho, maamulka Garoowe, isagoo dad ku xanta Somaliland inuu tagayana ugu madax buuxiyay inaanu u socon Hargeysa.

 

Hadalkan Cali Khaliif ayaa ku soo beegmaya xilli wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somalia oo qaabilsan dhismaha gobolladu xaqiijiyay inaanay qorshaha ugu jirin wax maamul ah oo lala dhiso Cali Khaliif. Waxa uu sheegay inay Cali Khaliif ku ixtiraamaan odaynimada iyo inuu ra’isal wasaare ka gaadhay Somalia, balse aanay arrimaha bulshada Sool iyo Sanaag isaga kala arrinsan.

 


Contact@afkashacabka.com