War Deg Dega:Ra'isal Wasaaraha Somaliya Oo Wasiiro Xilka Ka Qaaday Qaar Cusubna Magcaabay.

0
Tuesday November 24, 2015 - 08:44:13 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Dega:Ra'isal Wasaaraha Somaliya Oo Wasiiro Xilka Ka Qaaday Qaar Cusubna Magcaabay.

    Ra'izul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Xukuumada Soomaaliya Cumar Cadirashiid Cali Sharmaarke ayaa caawa xilka ka qaaday labo kamid ah Wasiirada Xukuumada Soomaaliya , waxa uuna magacaabay Ra'izul Wasaare Wasiiro kale oo badalaya kuwa xilka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'izul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Xukuumada Soomaaliya Cumar Cadirashiid Cali Sharmaarke ayaa caawa xilka ka qaaday labo kamid ah Wasiirada Xukuumada Soomaaliya , waxa uuna magacaabay Ra'izul Wasaare Wasiiro kale oo badalaya kuwa xilka laga qaaday.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra'izul Wasaaraha Soomaaliya ayaa caawa xilka looga qaaday Wasiirada Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Cusmaan iyo Wasiirka Korontada iyo Biyaha Maxamed Axmed Shaahiyow.

Rai'izul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u magacaabay in uu Noqdo Wasiirka Cusub ee Wasaarada Ganacsiyga iyo Warshaha Eng, Cabdirashiid Maxamed Axmed , halka Wasiirka korontada iyo biyaha loo magacaabay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aqbalay Wareegtada uu Ra'izul Wasaaraha Soomalaiya xilka uga qaaday labadan Wasiir kuna magacaabay Wasiirada Cusub ee badalaya kuwa xilka laga qaaday.


Contact@afkashacabka.com