Dawladda Maraykanka Oo Xayiraad Ku Soo Rogtay Siyaasiyiin Reer Burundi ah Iyo Sababta Ka Danbaysay

0
Tuesday November 24, 2015 - 08:47:46 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Maraykanka Oo Xayiraad Ku Soo Rogtay Siyaasiyiin Reer Burundi ah Iyo Sababta Ka Danbaysay

    Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa Isniintii shalay saxiixay go'aan uu Maraykanka xayiraad dhanka dhaqaalaha iyo socdaalka ah uu ku saaray Mas'uuliyiin horey xilal uga soo qabtay iyo kuwa kale oo hada xil ka haya Xukuumada Burundi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa Isniintii shalay saxiixay go'aan uu Maraykanka xayiraad dhanka dhaqaalaha iyo socdaalka ah uu ku saaray Mas'uuliyiin horey xilal uga soo qabtay iyo kuwa kale oo hada xil ka haya Xukuumada Burundi.

Xayiraadan ayaa la sheegay in la saaray shaqsiyaad iyo siyaasiyiin horey xil uga soo qabtay iyo waliba kuwa hada xilka haya ee ka qeyb qaatay xiisada wadanka Burundi oo ay boqolaal ku dhinteen tan iyo horaantii sanadkan.

Mas’uuliyiinta Xayiraada lagu soo rogay waxaa kamid ah Mr.Alain Guillaume Bunyoni, Wasiirka Amniga, Godefroid Bizimana, Taliye kuxigeenka Booliiska Qaranka; Godefroid Niyombare, Taliyihii hore ee Sirdoonka ahna Jeneraal; iyo Cyrille Ndayirukiye, Wasiirkii hore ee Difaaca.

Go’aanka Maraykanka ayaa kusoo beegmaya xili lagu wado in bisha danbe ee December uu Qaramada Midoobay go’aan ka qaato xaalada dalka Burundi

Contact@afkashacabka.com