Safirka Somaliland Ee Dalka Australia Oo Baroordiiq U Sameeyey Suxufigii Weynaa Ee Qarniga Axmed Xassan Cawke+Sawiro

0
Tuesday November 24, 2015 - 08:48:46 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safirka Somaliland Ee Dalka Australia Oo Baroordiiq U Sameeyey Suxufigii Weynaa Ee Qarniga Axmed Xassan Cawke+Sawiro

    Anigoo magacaygu yahayMohamed Husseinoo ku magac dheer"Balishire"isla markaasna ah wakiilka Somaliland ee dalka Australia. Waxaanu halkan aan maanta aanu baroordiiq ugu qabanay walaalkeen suxufigii weynaa ee qarnigaAxmed Xassan Cawke.Hadaba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Anigoo magacaygu yahayMohamed Husseinoo ku magac dheer"Balishire"isla markaasna ah wakiilka Somaliland ee dalka Australia. Waxaanu halkan aan maanta aanu baroordiiq ugu qabanay walaalkeen suxufigii weynaa ee qarnigaAxmed Xassan Cawke.Hadaba geeridan oo runtii ahayd geeri aad u xanuun badan isla markaasna laga dareemay dhamaan dacalada aduunka oo dhan. Ilaa hadana ay meelo badan oo aduunka ka mid ah tacsidu is daba socoto.



Axmed Xassan Cawkewaxa uu ahaa adoon kasbaday isla markaasna dhex galay oo dhex qaaday quluubta qof kasta oo ku hadla afka Somaliga. Cawke waxa uu ka dhintay dhamaan umada Somaliyeed oo idil. Waxaan mar labaad tacsi tiiraanyo leh aan halkan uga dirayaa dhamaanba qoyskii, qaraabadi iyo dhamaanba bulshada Somaliyeed meel kasta oo ay joogaanba, geerida naxdinta lahayd ee ku timid saaxibkay, suxufigii weynaa ee caanka ahaa ee dhamaanba laga yiqiin geyiga Somaliyeed Axmed xassan Cawke..

 


Hadabawaxaan ilaahay uga baryeynaa in uu marxuumkaas qabriga u waasiciyo isla markaasna uu janadii fardoowsa ka waraabiyo, ehelkii, qoyskii, qaraabadii iyo dhamaanba umada Soomaaliyeed ee uu ka baxayna uu samir iyo iimaan saayid ah dhamaantood ka wada siiyo. Aaamiin. Aamiin. Aamiin.


Waxa aan halkan aan uga mahad naqayaa dhamaan dadkii gacanta iga siiyey qabsoomida baroordiiqdan aanu ula niyoonay walaalkeen Cawke. Ilaahay naxariistii jano haka waraabiye, Waxaan ugu horeyn aan u mahad naqayaa Khadra Ismail. Engineer Abdullahi Adan, Abdiqadir Ahmed, Abwaan Amiir Khaalid, Mohamoud Ibrahim Mohamed (Mr China Man) Hassan Jama from SBS Radio. Ibrahim Cumar Baafo, iyo bahweynta Universal TV. Shirwac Madaale. Amina Deriye, Layla Ahmed Ali, Haboon Yassin, Halimo Sheikh ( Halimo Kaaraan) Fahmo Washington. Ahmed Qahira. Maryan Ali (Hani Bilan Grocery) Waxa kale oo aan si gaar ah ugu mahad naqayaa Maamo Xaawo Dheel oo nagu deeqday goobta baroordiiqdani ay ka qabsoontay.

 

Waxaan ugu danbayntii aan halkan si gaar ah aan tacsi ugu dirayaa qoyska reer Axmed Xassan Cawke. Waxaanan ilaahay uga baryeynaa in uu samir iyo iimaan dhamaantiin idinka wada siiyo geeridaas naxdinta leh ee ku timid Axmed Xassan Cawke.Waxaan marxuukana aan ilaahay uga baryaynaa in uu raxmaanku geeyo janatul Fardowsa…….MA DHINTE WAA ILAAHAY!!!!

This emotional event was purely to highlight and commemorate the everlasting legacy of the profound and prominent personalities of our beloved brother, who have immensely revolutionised the entire Somali media industry. He was indeed a formidable force to be reckon with and with highly admired true and unique Somali journalism. He was without any shadow of a doubt, the best there ever was, the incomparable, indisputable and totally irreplaceable and above all immensely unforgettable human being…. !!!!!!!

 

May Almighty Allah have mercy on his soul. Ameen.

 

Mohamed Hussein (Balishire)

Wakiilka Somaliland ee dalka Australia.

info@somalilandfoundation.com