Masuuliyiinta Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Oo Kormeer Ku Tegay Goobaha Dalxiiska Ee Degmadda Laas-geel + Sawirro

0
Tuesday November 24, 2015 - 22:51:07 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuuliyiinta Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Oo Kormeer Ku Tegay Goobaha Dalxiiska Ee Degmadda Laas-geel + Sawirro

    Masuuliyiinta wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Jahmhuuriyadda Somaliland oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda Md. Cabdilaahi Faarax Maydhane ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay goobaha qadiimiga ah ee dalxiiska Laas-geel iyo Dhagax N

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyiinta wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Jahmhuuriyadda Somaliland oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda Md. Cabdilaahi Faarax Maydhane ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay goobaha qadiimiga ah ee dalxiiska Laas-geel iyo Dhagax Nabi-galay.


Kormeerkan shaqo ayaa waxaa wasiirka wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Md. Cabdilaahi Faarax Maydhane, ku wehelinayay Wasiirka Ku-xigeenka wasaaradda Md. Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin, Agaasimaha guud Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), Agaasimaha waaxda dalxiiska Mr. Ibraahim Maxamed Diiriye (Shide), Agaasimaha waaxda dhallinyarada Mr. Cumar Cali Cabdi (Sayid Cumar), Agaasimaha waaxda qorsheynta Mr. Cabdirashiid Ceydiid Yaasiin iyo Afhayeenka wasaaradda Mr. Samatar Maxamed Cabdillaahi.


Waxaa masuuliyiinta wasaaradda uga war-bixiyey goobta dalxiiska ee Dhagax Nabi-galay Mr. Cabdisalaan Shabeele oo ah khabiir weyn oo ah saraakiisha waaxda dalxiiska, waxaana uu masuuliyiinta uga waramay inay dalka ahmiyad weyn u leedahay in la ilaaliyo guud ahaan goobahan dalxiisku.Masuuliyiintan ayaa kormeerkooda shaqo ujeedadiisu ahayd sidii ay ugu kuur-geli lahaayeen goobaha qadiimiga ah ee dalxiiska degmadda Laas-geel, waxaana ugu horeyn ay booqdeen goobta dalxiiska ee Dhagax Nabi-galay oo ah dhagax weyn oo guddaha loo galayo kaas oo sidii buulka u samaysan marka guddaha la galo, sidoo kale waxay booqdeen xabaalo tiro baddan oo iyaguna ah kuwo qadiimi ah.

Masuuliyiinta wasaaradda dhalinyarada iyo daliisku waxa kale oo ay booqdeen goobta dalxiiska ee Laas-geel, oo ah halka ugu caansan goobaha dalxiiska Somaliland. Agaasimaha waaxda dalxiiska Mr. Ibraahim Maxamed Diiriye (Shide) ayaa uga war-bixiyay goobtan oo ah goobaha loogu dalxiis baddan yahay, waxaa sidoo kale uu masuuliyiinta u soo ban-dhigay dhawr meelood oo u baahan in la dhiso si ay u dhawrsanaanto goobtani.



Wasiirka wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Mudane Cabdillaahi Faarax Maydhane ayaa gabagabadii kormeerkooda ka hadlay, isaga oo sharaxay muhiimada qaran ee ay leeyihiin goobahan dalxiisku, isaga oo xusay in ay dabooli-doonaan baahiyaadka ka jira goobahan. Sidoo kale, masuuliyiintani waxa ay la kulmeen guddoomiyaha degmada Laas-geel, odayaasha, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Laas-geel.



Contact@afkashacabka.com