Shalay, Jidkan Isku Xidhaya Hargeysa iyo Berbera riyo Ayuu ahaa Maantana waad arkaysaan, Waxaa hubaal ah Jidka Ceerigaabo oo sidan u dhisana in aynu dhawaan arki Doono" Wasiir Xirsi Cali X.xasan

0
Thursday February 13, 2014 - 07:48:19 in by Super Admin
  • Visits: 1111
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shalay, Jidkan Isku Xidhaya Hargeysa iyo Berbera riyo Ayuu ahaa Maantana waad arkaysaan, Waxaa hubaal ah Jidka Ceerigaabo oo sidan u dhisana in aynu dhawaan arki Doono" Wasiir Xirsi Cali X.xasan

    "Shalay, Jidkan Isku Xidhaya Hargeysa iyo Berbera riyo Ayuu ahaa Maantana waad arkaysaan, Waxaa hubaal ah Jidka Ceerigaabo oo sidan u dhisana in aynu dhawaan arki Doono" Wasiir Xirsi Cali X.xasan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Shalay, Jidkan Isku Xidhaya Hargeysa iyo Berbera riyo Ayuu ahaa Maantana waad arkaysaan, Waxaa hubaal ah Jidka Ceerigaabo oo sidan u dhisana in aynu dhawaan arki Doono" Wasiir Xirsi Cali X.xasan

"Waxaanu Muujinaynaa Waxqabad Muuqda iyo Nidaam Xisaab Celin oo Indhaha iyo Caqliga Qancinaya” 

 

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo shalay Kormeer ku tegey Waddada isku xidhaysa Hargeysa iyo Berbera ayaa  ka dareen celiyey wixii uu halkaasi ku soo arkay Baaqna u direy Bulshada reer Somaliland ee wanaaga jecel, Qoraal kooban oo uu ku baahiyey Boggiisa Facebook iyo Bloggiis gaarka ah ee guusha.com ayaa waxa u ku yidhi sidan:

Waxay ahayd maanta kadib markaan kormeer iyo uu kuur gelid xaalada jidka isku xidhaya Hargeysa iyo Berbera u tegnay Xamaas,

Waxaan kala soo kulmay dareen farxad badan iyo shaqo tolmoon oo gabogabo ku dhaw, waa wax Illahay loogu mahad naqo  jidkii aynu dayactirkiisa dhawaan bilownay in uu dhinacna Hargeysa gaadhay dhankii kalena aynu maanta arkayno in uu sii marayo Xamaas oo wax kooban u jirta Caasimada gobolka Saaxil ee Berbera,

Waxaa hubaal ah in jidkani shalay ahaa riyo ku adkayd dadka aan indheer garadka ahayn in ay rumaystaan in uu inoo suuro geli karo , isla markaana ay ka dayrinayeen , balse aad maanta arkaysaan in uu gabogabo ku dhaw yahay, sidaas si lamida ayeynu uuga midho dhalin doonaa hirgalinta dhamaan jidadkeena, oo horumarkeenu ku jiro

Jidka Ceerigaabo tegaya sida aynu horayba u ogayn waa mid qiimo weyn uugu fadhiya isku xidhka qarankeena, waa mid ka go’an xukuumada maanta talada haysa hirgalintiisu, waa mid bulshadeenu u soo jeedo , waxaanan halkan bushaaro bulshada uuga marinayaa in  qalabkii jidka Ceerigaabo  oo aynu in mudo ah sugaynay uu usbuucan ina soo gaadhi doono Insha Allah,

Waxaan farta ku fiiqayaa dadka in kamida oo afkoodu samaha la saxiib ahayn ama marwalba aanu farax gelin wanaaga dadkeena u kordha oo marwalba shaqo ka dhigta dacaayadaha aan salka lahayn , waxaan leeyahay , jidkan maanta aan joogno-ba shalay ayuu riyo ahaa maantana waad aragtaan , jidka Ceerigabo-na idinka oo arkaya ayuu dhamaan oo qorshihiisi waa noo diyaar dhaqaalihii loo qondeeyey wixii na oo gaadhayna meel aamin ah ayuu  yaala "Secure” ah  , oo gudida gacanta ku haysa , isla markaana  aan u diyaarinay hab nidaamiye loo saari karo lacagtaas oo ilaa sadex qof saxeexaan aan waxba laga saarin Karin

Lacaguhu waxay ahayeen kuwo balan qaad ah "Pledge” iyo wax na soo gaadhay  "Donation” ama ha naga soo gaadhaan Dawlada ama Muwaadiniin dal iyo dibed-ba jooga , waxaanu soo  bandhigi doonaa todobaadka soo socda xisaabta intii lacag na soo gaadhay iyo qalabkiiba, markaas ayey waji gabax iyo kala kulmi doonaan inta dadka naxliga iyo niyad xumada  kula dhex jirta oo aan dadka tusi doonaa inta fidnada kula dhex jirta in ay horumarka ka soo hor jeedaan isla markaana  ayna wanaag iyo horumar toona dadka iyo dalkaba  la rabin,  waxaanu leenahay ISHA AYAA MACALINA, faani mayno ee dadkayaga ayaanu wax cad u soo bandhigi doonaa  

Shalay waad ogaydeen markii jidkan aynu bilaabaynay wixii hadal iyo fidno dadka la dhex waday ee la lahaa gaadiidka ayaa diidi doona, waxaadse maanta arkaysaan sida dad iyo duunyaba loogu nastay gaadiidlaydii shalay la lahaa way ka hor iman doonaana ay intii la saaray iyo in kabadanba diyaar la yihiin oo ay dareensan yihiin waxa u qabsoomay, Illahay ayaa mahad leh Xaqa nagu sugay.

Waxaan si gaara uugu mahadcelinayaa gaadiidlayda waawayn oo dhaqaale ay ku muujinayaan muwaadinimadooda iyo qalbi wanaagooda  na soo gaadhsiiyey si ay u muujiyaan jacaylka ay dalkooda u qabaan,

Sidoo kale waxaan in badan u mahadcelinayaa inta samaha jecel iyo inta dawlada ku garab taagan iyo qaranka dhismaha iyo horumarka,

Cida aanu gacan iyo garab ka sugayno Illahay ka sakow waa dadkayaga, dalalka kale ee markaas wax nagu biiriyana waanu soo dhawaynaynaa.

Anaguna waxaanu balan qaadaynaa in aanu tusno wax qabad muuqda oo aayatiin leh iyo sidoo kale nidaam cad oo la xisaabtan "Transparent” ah , report joogto ahna waxaad ka arki doontaan Webiste-ka waddooyinku leeyihiin.

 

Hadda jidkan  wuxuu marayaa Xamaas, dhawaan wuxuu gaadhi doonaa Berbera, waxaana noo qorshaysan Insha Allah, ilaa Sheekh in aynu wadno hawshaas hadda inoo socota, oo wixii dayactir ah aynu ku samayno meelaha u baahan , si ilaa laasacanood uu u ahaado jid isku xidhan oo dayactiran.

Sidoo kale waxaaanu dayactir ku samayn doonaa jidka u dhexeeya Kalabaydh-Dilla , oo runtii dayac badan ku jiro,

Waxaan bogaadin u soo jeedinayaa shirkadaha gacanta ku haya dayactirka jidkan  iyo shacabka dareenka diiran marwalba nala barbar taagan.

 

Aynu kalsooni iyo Karti ku qaabilno kor u qaadida Jidadkeena.

Wa Bilaahi Tawfiiq.




Afkashacabka.com

Hargeysa/somaliland

afkashacabka@gmail.com 

contact@afkashacabka.com