Ciidammo taageersan Ruushka ayaa la wareegay magaalooyin ku yaalla bariga Ukrain

0
Tuesday April 29, 2014 - 11:31:55 in by salman abdi
  • Visits: 757
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidammo taageersan Ruushka ayaa la wareegay magaalooyin ku yaalla bariga Ukrain

    Waxayna ladilay Gudomiye Gobol Ku Yaala Koonfurta Oo Dablay Hubaysani Togteen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxayna ladilay Gudomiye Gobol Ku Yaala Koonfurta Oo Dablay Hubaysani Togteen.

Duqa magaalada Khirkiv ee dalka Ukraine ee taageersan Ruush-ka ayaa la toogtay oo si xuna u dhaawacmay.

Xafiiska Duqa magaalada ayaa sheegay in Genadiy Kernes uu galay labo saacadood oo qalniin ah kaddib markii ay dhabarka ka toogteen rag hubaysan oo aan lagaranayn.

Maamulaha isbitaalka dawaynaya waxa uu sheegay in xaaladiisa caafimaad ay la tacaalayaan isla markaasna ay dhibaato soo gaadhay qaar ka mid ah xubnihiisa muhiimka ah.

Kernes waxa is ku siyaasad ahaayeen madaxwaynihii xilka laga tuuray ee Ukraine Viktor Yanukovych.

Mar sii horraysay rag hubaysan oo Ruush-ka taagera waxa ay qabsaday dhismayaal dawladdu leedahay oo muhiim ah oo ku yaalla magaalada bariga ku taalla ee Kostayantaynivka.

 

Dhacdadaasi waxaa ay timid iyadoo ay weli socoto isku daygii lagu sii daynayay 12-kii kormeere oo shan kamid ah ay Ukraine u dhasheen, kuwaas oo ay haystaan dadka Ruushka taageersan.Ilaa iyo hadda wax xalalagama gadhin xaladda sii xumanaysa ee ka tagan koonfur bari Ukraine,Iyadoo malmihii aynu soo dhafnayna ay dhina afka isku weraren masuliyinta maraykanka iyo ruushka.

Afkashacabka.com

Hargaysa/Office

contact@afkashacabka.com