HADDUU KULMIYE INTAN GARTO!!!!.( Hello: M.B part 2) W/Q: Mohamed Abdilaahi Biihi.

0
Sunday November 29, 2015 - 00:41:09 in by salman abdi
  • Visits: 1824
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HADDUU KULMIYE INTAN GARTO!!!!.( Hello: M.B part 2) W/Q: Mohamed Abdilaahi Biihi.

    Inkasta oo siyaasadu tahay jaangooyaha iyo saameeyaha nolosheena guud ahaanteedba, haddana waxa mararka qaar kugu qasbaaya inaad ka gaabsato hawlahaaga khaaska ah iyo duruufta markaas kugu gaddaaman.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inkasta oo siyaasadu tahay jaangooyaha iyo saameeyaha nolosheena guud ahaanteedba, haddana waxa mararka qaar kugu qasbaaya inaad ka gaabsato hawlahaaga khaaska ah iyo duruufta markaas kugu gaddaaman.

Haddana se markaad isleedahay waxuun baad soo kordhin kartaa waxaa haboon in aragtidaas aad la wadaagtid bulshada."adduunku waa uu cabanayaa kamana cabanayo xumaan falayaasha se waxa uu ka cabanayaa aamuska inta wax dareensan"._napeleon.

Xisbiga kulmiye waxa uu hadda kasoo doogi doonaa abaaro ba'an oo lasoo daris ahaa shantii sanno ee ugu danbeeyay(long lasting droughts). Inkasta oo riiq badan iyo tamar darri badan ay kaga tageen xisbiga haddana waxaa muuqata in nabaro badan iyo dhaawacyo badani hadda soo dhaymayaan(relieving).
Ceebteed maaha ee waa caadada siyaasadda in lagu kala aragti duwanaado, laysku khilaafo kadibna lagu heshiiyo amaba lagu kala guuro. Si kasta oo ay tahay ilaa hadda kulmiye waxa uu dhaawac tir ku wadaa nabaradii kasoo gaadhay hayaanka uu hadda halkani kusoo gaadhay hogaanka xisbigu.

Si taasi loo dhayona waxa u haboon hogaanka xisbiga inuu ku dadaaloo soo jiidasha, saamayn ku yeelashada iyo dan tusida garabka ilaa hadda wax tirsanaya, sababta oo ah maslaxaad arrintaas laga galaa waxay keenaysaa in guusha xisbigu min barri ilaa galbeed isqabsato misena uu noqdo kulmiye kulmiyihii hore ee la yaqaanay ee 80ka cod lagaga guulaystay mise haddana 2010kii ku guulaystay aqlabiyada aan caadiga ahayn(never seen success).
Haddiise ay arrinta xalka loogu helayo inta duday la waayo waxaa dhacaysa kala dhanbalan siyaasadeed iyo in calaamatu su'aal dul saarnaato guusha xisbiga!!!!!. Waa run oo ragga ilaa hadda dibad wareega ah ee raadinaya xaq ay iyagu tabayaan saamayn togan wali xisbiga kuma yeelan oo xisbigii wali hawlihiisii si habsami leh bay u socdaan, se haddiiba ay sii jiitanto waxa dhici karta inay kasoo jeedsadaan xisbiyada mucaaridka ah halkaasi oo ay ugu yaraan xoojin karaan xisbiyada mucaaridka ah cabsina ku abuuri karaan taageerayaasha xisbiga kulmiye iyo hogaankaba.

Se tani waxay imanaysaa haddiiba ay dhamaantood ka midaysan yihiin hal aragti, hal ujeedo iyo waliba jidka loo marayo.(one common route), haddiise sida hadda muuqata ay noqdaan qaar madax iyo minjo kala yeelan waaya oo ruug cadaagoogii uu hogaamiye socod baradkoodu waxay noqonayaan reer ba'aw yaa ku leh!!!!!.

Waxay shicibka saamayn karaan misena kalsooni hanan karaan haddiiba ay si caqli leh isu hogaamiyaan oo ka siyaasadda socod baradka (toddler)ku ahi ogolaado ka aan socod baradka ku ahayni inuu hogaanka noqdo. haddiibase sidii shallay dhacday uu xirsi xaaji cali xasan ahaado hogaanka xadhiga u haya,sawirka ugu sareeya leh misena ugu qudbadda horeeya waxay ku danbaynayaan meel aan ciddi joogan iyo dhul abaarsaday.

Cabdi awdaahir inuu ahaado weeyi hogaanka maadama uu ka waayo aragsanyahay, waa haddii la doonayo in dadku ogaadaan inay raggani yihiin rag damac leh se ayna ahayn rag la wato.
Si kasta oo ay ahaato saamaynta ay shallay burco ku yeesheen masii ahaanayso mid sidaasi kusii jirta misena masii ahaanayso aragtidoodu mid burco midaysa maadama oo dadweynaha reer burco yihiin qaar kala taageersan labada xisbi ee dalka ugu waaweyn uguna culculus.

Waxay noqonaysaa mid gacaltooyo iyo ixtiraam ahaan uun muujinaysay se may ahayn aragti siyaasi ah. Waxa soo dhaweynta u badan sameeyay taageerayaasha xisbiga wadani oo ahaa qaar iyagu aan ragani siyaasiyan ku taageersanayn oo hadday xataa kulmiye hadhaw la heshiiyaan taageeri doonin se kaliya waxay ahayd arin lagaga fogaynayay uun xusbigooga ay ka tirsanyihiin ee ay eedda ka tirsanayaan oo ahayd taagero khiyaal ah lagana soo shaqeeyay laguina rabo in xisbiga wadani fursad ka helo.. waxay ahayd uun soo dhaweyn dhalanteed(mirrage).
Burco faysal cali waraabe baa hore u sheegay kuna tilmaamay inay xisbiyo ku kala jiraan laakiinse soo dhaweynta ayna cidna kala bakhaylin!!!!!gobonimo gobolkaas lagu yaqaano dheh!!.

Si kasta oo ay haato duufaantaasi siyaasiga(political storms) ahi waxay xisbiga kulmiye saamaynta culus ku yeelanaysaa iyaga oo dhamaantood iswada raaca markay gobol booqanayaanba amaba iyaga oo waqti isku mid ah isku qaybiya galbeedka iyo barriga dalka si saamayn muuqta ay u yeeshaan.

Dhanka kale, duufaanta siyaasiga ah ee kulmiye kusoo harqamaysaa maaha mid kaliyaata kaga imanaysa isla guddihiisa se waa mid sida oo kale aad iyo aad looga walaacsanyahay misena lays waydiinayo haddiiba uu ucid sidaasi jamaal kaga tago faysalna isa soo sharaxo misena loo aanaynayo kulmiye inuu siyaasad la ciyaaray xisbigaasi maxay noqonaysaa saamaynta kaga imankartaa? Aragti ahaan saamayn laba seefood ah baa markasta xisbiga ucid uu ku hayaa guusha iyo sii jiritaanka xisbiga kulmiye, taasi oo ah in haddii uu ucid baaba'o taageerayaasha ucid kusoo biiraan kulmiye maadama oo hanaanka laysku doorto dalkeena uu cadyahay oo ayna reernimo ka dhinayn iyo in haddiiba ay isku tashadaan ay codkooda kala baydhaan oo dhamaanba inta mucaarid ahi iskugu biyo shubato xisbiga waddani oo uu halkaasi xisbigaasi ku guulaysto.

Halka sii jiritaanka ucid laftiisu uu markasta kulmiye ku ahaanayo laf dhuun gashay misena u sahlaysa inuu waddani guulaysto!!! Laba daraaleba ucid waxa uu caqabad ku noqonayaa xisbiga kulmiye.
Se haddiiba istaraatijiyad lala yimaado ah ka takhalus se daadkiisa isku soo jabi waxa cad in xisbiga kulmiye halkaasi ku guulaysan doono. Haddaba jabka u weyni waxa weeyi sidee baa uu kulmiye yeeli doonaa maxaase la gudboon haddiiba uu ku guuldaraysto sidani uu rabo?.

Tani waa su'aasha ah inay hogaanka xisbigu jawaab u helaan. Se haddii hogaanka xisbigu si dagan oo xasiloon u fadhiisto oo uu isku dayo soo xero galinta, la heshiinta iyo afgarashada xubnaha hadda isbadaldoonka sheeganaya waxa cad in guusha xisbigu soo dhawaanayso intani oo kaliyaata maaha ee haddiiba hogaanka xisbigu ku fikiro inuu gacanta ku dhigo xubnaha ugu firfircoon ee garabka jamaal ah ee xisbiga ucid ku jira waxa cad in guulaysiga kulmiye tahay mid kaabiga saaran.


Isla intan uun maaha ee haddii hogaanka xisbiga kulmiye ka fikiraan musharaxa ka imanaya xisbiga waddani maadaama oo uu ilaa hadda ay sharaxanyihiin prof: cabdisalaan yaasiin iyo Gud:cirro waxa ay iyada lafteedu furi kartaa fursado iyo albaabo dahabi ah oo xisbiga kulmiye ku guulaysto.
Si ay tani u dhacdo waa in xisbiga kulmiye ku dadaalaa sidii doorasho rag badani ku tartamaan uga dhici lahayd guddaha xisbiga wadani , taasi oo ay haddii ay meesha timaado keenaysa is khilaaf ba'an oo xisbiga soo kala dhex gala iyo waliba kala jabin ku timaada xisbiga guddihiisa iyo taageerayashiisaba.

Markay tani dhacdo waxa dhacaysa sida caadada ah in cirro uu yidhaah” xisbiga kaligay baa ku tartamaya oo laga furfuri kari waayo, hadhawna uu noqdo hanti ninleh baa u sareeyee hooska ka dhaqaaqa jaaleyaal”.

maadama oo ilaa hadda lagu xanto guddoomiyaha inuu xisbiga hal reer siiyay walibana jifadiisa hoose laga furfuri laayahay( tani waa xanta suuqa taal se seddexda xisbiba waxbaa lagu dhaliilaa) intani oo kaliyaata maaha ee xisbigu waxa uu u muuqdaa hogaanka hadda joogaa mid usaga laftiisu fadhiid ah oo aad u qabaw kadib markii shacab badani ka muujiyeen quus arbacadii markii xisbigu xaflad weyn uu usoo agaasimay daahfurka buugiisa siyaasiga ah se markii danbe lagu dhawaaqay inaanu buugu wali dhamaystirnayn ee uu qabyo qoraal yahay.!!!!!

Tani waxay u quus goysay inbadan oon ka mid nahay oo filaynay wax wanaagsani inay buugaas ku qornaan doonaan se ayba nasii dishootay markii buugu dhaafi waayay waxaasaanu qabanaynaa oo ayna ku jirin strategyadii loo marinlahaa iyo sidii loo qaban lahaa.
Sidaasi aawadeed waxaasi oo dhacdooyin ahi waxay keenayaan ragga ugu culculus ee xisbigaasi ku jiraa ku hungoobaan xisbiga. qaar siyaasad ahaan ugu soo hungooba iyo qaar doorashadaba lagu soo caydhiyo.

sidaasi aawadeed, waa in hogaanka kulmiye ku fakaraa siduu u hanan lahaa misena xisbiga u keeni lahaa ragaasi hadhaw kasoo bixi doona xisbigaasi haddiiba uu cirro diido in lagula tartamo, isla intan uun maaha ee waa in xisbigu ku fikiraa sidii uu u heli lahaa xubno wadani ka tirsan oo uu la gali karo heshiisyo siyaasadeed ku qotoma dano siyaasadeed iyo kuwa deegaanba ka hor tartanka xisbiga wadani gudihiisa ka dhacaya oo haddiiba ay suuro gasho saamaxaysa inuu wadani liicliico.

Waxa kale oo la gudboon hogaanka kulmiye inuu hadda ku dadaalo sidii uu usoo dhaweysan lahaa mujaahidiintii hore uga duday kulmiye iyo mujaahidiintii ku jiray madasha wada tashiga oo ay ugu horeeyaan.
Ibraahim Dhagaweyne.
Xasan guure iyo
Xasan ciise.

Sids oo kale hogaanka xisbigu waa inuu awooda saaraa hanashada laba nin oo kala ah samaale iyo kijaandhe.

Dhanka kale, haddiiba uu hogaanka xisbigu dhaafo caasimada oo uu safaro dagdag ah iyo booqashooyin qorshaysan ku tago gobolada barriga iyo galbeedka somaliland oo uu soo hantiyo quluubta shacbiga halkaasi ku nool , misena uu afgarsho lasoo samaysto haldoorka dhaqanka, dhallinyarada iyo haweenka ee gobolladaasi waxa marag madoon ah in halkaasina ay noqon doonto bar subag leh oo hadhaw lagu dhaashan doono.

Gabagabadii, haddii uu hogaanka xisbigu 4 nin oo kala ah:Cabdiasis Maxamed Samaale,‪ #‎maxamuud‪#‎xaashi,‪ #‎axmedyaasiin‪#‎sheekh‪#‎cali‪#‎ayaanleiyo‪#‎Dr.‪#‎saleebaan‪#‎ciise‪#‎Xaglatoosiyeu doorto inay noqdaan hogaanka ololaha ee xisbiga oo isla haddana la shaqo galiyo waxa marag madoon ah in waxyaalo badani isbadali doonaan.

Kaliyaata intani maaha ee waa in hogaanka xisbigu waqti xaadirkan waa isla hadeertan aan taaganahay waa inuu ku fikiraa sidii uu u hanan lahaa quluubta dhallinyarta dalka oo dhan, maaha ku hano hanti,qaad iyo been se waa ku hanasho lagu hantiyo dhamaantood balan qaad ku dhusan mustaqbal ifaya,somaliland bilaa qabyaalad ah iyo abuurista fursado shaqo iyo waxbarasho loo simanyahay si ay tani u timaadana waa in hogaamiyaha hadda ee xisbigu iswaydiiyaa dhallintaad u baahan tahay waa kuwa noocma ah? Xagay joogaan? Sideed kusoo xulataa? Maxayse kaaga baahanyihiin.

Haddaba, haddii intani uu garto hogaankaXisbiga Midnimda Iyo Horumarkaoonu waliba isqancine isdul dhig iyo tadaawuc la yimaad waxa hubaal ah in guusha xisbigaasi kaabiga saarantahay.

W/Q: Mohamed abdilaahi biihi.
Addis-ababa, ethopia.
Medical student.
FB:Drkingbiihi Yare