Barcelona Oo Qorshe Cusub Hordhigaysa Arsenal.
Kooxda Barcelona ayaa wali wada isku dayga ay ku doonayso laacibka ugu qaalisan kooxda ree ingiriis ee Arsenal Mesut Ozil waxayna doonayaan inay la wareegaan dhamaadka xili ciyaareed kan.
Barnaamij ku saabsan suuqa kala iibsiga ee kooxaha Spain oo ka baxa TV laga leeyahay Spain ayaa sheegay in kooxda Barcelona ay si dhab ah u doonayso laacibka xulka jarmalka Mesut Ozil suuqa kala iibsiga ee xaggaaga.
Barnaamijka ayaa lagu sheegay in kooxda Barcelona ay si rasmi ah dalab u hor dhigtay tababaraha Arsenal Arsene Wenger kaas oo ah inay diyaar ula yihiin Pedro Rodriguez iyo laacib kale oo aan magaciisa la sheegin iyagoo ka doonaya isna inuu soo warejiyo Mesuto Ozil iyadoo wax lacag ah aan laka qaadanayn.
Ozil ayaa ah laacibka ugu qaalisan taariikhda kooxda Arsenal iyagoo ka soo iibsaday Real Madrid xaggiigii tagay waxaana la ogayn sida ay Arsenal ku aqbali doonto qorshahaan cusub ee ay ku doonayso Barcelona xidigooda ree Germany.