Xoghayaha Golaha Wakiilada Oo Sheegay In Ay Maxkamadu Gunaanaday Dhagaysiga Dacwadii Loo Haystay Eedaysanayaashii Dilay Walaashii Ruqiya

0
Tuesday April 29, 2014 - 20:48:11 in by salman abdi
  • Visits: 1091
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Golaha Wakiilada Oo Sheegay In Ay Maxkamadu Gunaanaday Dhagaysiga Dacwadii Loo Haystay Eedaysanayaashii Dilay Walaashii Ruqiya

    Xoghayaha Guud Ee Golaha Wakiilada Somaliland Mudane C/risaaq Siciid Ayaanle Oo Walaalo La Ah Marxuumad La Odhan Jiray Ruqiya Siciid Ayaanle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Guud Ee Golaha Wakiilada Somaliland Mudane C/risaaq Siciid Ayaanle Oo Walaalo La Ah Marxuumad La Odhan Jiray Ruqiya Siciid Ayaanle

Oo Afar Iyo Labaatanka Bishii Labaad Laga Helay Maydkeeda Guri Ku Yaala Xaafada New Hargaysa Ee Magaalada Hargaysa Ayaa Maanta Sheegay In Maxkamadu Soo Gunaanaday Dhagaysiga Dacwadii Loo Haystay Dadkii Ku Eedaysnaa Falkaasi.

Waxa Uu Cadeeyey In Maxkamadu Ay Go,aamisay In Maalintii Sabtidii Ee Toddobaadkii Hore Ay Ku Dhawaaqdo Go,aankii Ay Ka Gaadhay Dhacdadaasi Balse Ay Ku Soo Beegantay Maalintii Loo Cayimay Roob Doonta Ee Dalka Laga Oogay.

Ugu Horayn Isaga Oo Ka Hadlaya Qaabkii Dilkaasi U Dhacay Waxa Uu Yidhi

"Kiiskan Dilka Ahaa Waxa Uu Dhacay 24kii Bishii Labaad Maydkii Marxuumada Ruqiyana Waxa La Helay Labadii Bisha Imika Waxa Laga Joogaa Laba Bilood Runtii Kiiskaasi Haday Tahay Booliska Haday Tahay Laamaha Sirdoonka Iyo Haday Tahayba Maxkamada Dhamaan Hawshaasi Si Fiican Ayey Uga Soo Baxeen.

Sidoo Kale Waxa Uu Ka Hadlay Goorta Uu Maxkamada Usoo Gudbay Kiiska Ruqiya Siciid Ayaanle Iyo Talaabooyinka Ay Qaaday Ilaa Hada Maxkamadu.

"Kiiskani Waxa Uu Maxkamada Gobolka Hargaysa Usoo Gudubtay Ilaa Imika Mudo Bil Ah Ayuu Kiiskani Maxkamada Yaalay Waxaana Laga Dhagaystay Shan Dhagaysi Waana Kiiskii Ugu Dheeraynayey Marka La Barbar Dhigo Kiisaska Noocan Oo Kalaa Ee Dilka Ah,Waxaana Uu Ahaa Hawl Xil Aad U Wanaagsan La Iska Saaray,Waxaana Uu Kiisani Lasoo Gunaanaday Khamiistii Dhawayd,Guddoomiyaha Faysal Oo Aan Runtii Si Aad Ah Ugu Mahad Naqayo Waxa Uu Noogu Dhawaaqay In Sabtida Soo Gaba-Gabayn Doono Kiiskan Waxaana Sabtidii Naga Soo Dhexe Galay In La Tukanayey Roob Doonta Uu Madaxwaynaha Somaliland Uu Iclaamiyey Sidaas Awgeed Ayaa Uu Maalinta Sabtida Diba Uga Dhacay.

Dhinac Kale Waxa Uu Ka Waramay In Maxkamada Ay Ku Balan Sanayeen In Axad Am Isniinta La Keeno Eedaysanahii Loo Hayey Marxuumada Ruqiya Siciid Ayaanle Waxaana Uu Yidhi” Runtii Axadii Iyana Meesha Waanu Nimi Lakiin Xaga Xidhiidhinta Am Soo Saaristii Ayaan Suuro Galin Macaa Askartii Way Yimadeen Lakiin In Lasoo Saaro Taasi May Dhicin Lakiin Anigu Shalay Ayaanu Kulanay Anigu Garsooraha Maxkamada Waxaana Uu Noo Sheegay In Lagu Dhawaaqayo Maanta Kiiskii Oo Ay Iyaguna Qoreen Warqadii Lakiin Waxaad La Socotaan In Ay Baryaha Jireen Hawsha Xisbigii Kulmiye Oo Qabsanaya Shirwaynahii Saddexaad Isla Markaasna Amaankiisa Si Aad Ah Loo Adkeeyey Madaxwaynaha Somaliland Furayey Markaas In Lagu Dhawaaqo Natiijada Waxa Dib Udhigay Shirwayana Xisbiga Kulmiye.

Waxa Kale Oo Uu Sheegay In Maanta Maxkamada Magaalada Hargaysa Iyana La Horkeenayey Maxaabiistii Isku Dayday In Ay Jeelka Kasoo Baxsadaan Ee Dilayna Qaar Ka Tirsan Askarta Waxaana Uu Yidhi”

"Waxa Kale Oo Ay U Baaqatay Ayaan Odhan Karaa Waxa Maanta Iyana Maxkamada La Hor Keenayey Ragii Maxaabiista Ahaa Ee Iyana Ku Xidhnaa Xabsiga Wayn Ee Magaalada Hargaysa Ee Kasoo Daatay Iskuna Dayey In Ay Baxsadaan Arinkaas Marka Lasoo Saarayo Aad Iyo Aad Ayaa Loo Ilaaliya Waana Arin Xasaasi Ah Sidaas Ayaan U Arkaa In Ay Arintayadu U Baaqatay.

Cabdi Risaaq Siciid Ayaanle Oo Ah Qaraabadii Ay Kasoo Jeeday Ruqiya Siciid Ayaanle Ayaa Sheegay In Ay Ku Qanci Doonaan Go’aanka Ay Ka Qaadato Dilkii Riqaya Siciid Ayaanle Waxaana Uu Yidhi”

"Anaigu Oo Ku Hadlaya Qoyskii Ay Ka Baxday Ruqiya Siciid Ayaanle Waxaan Leeyahay Go’aanka Ay Ka Qaadato Cadaaladu Ayaanu Qaadan Doonaa Waxa Ay Shacabiga Reer Somaliland Ka Qabaana Waanu Ku Qanci Doonaan U Aragno In Maxkamada Galin Doonto Arin Mad-Madaw Ah Lakiin Waxa Lagu Dhul Siga Doonaa Go’aanka Cadaalada.

Falkii Ay Ku Geeryootay Marxuumada Ruqiya Siciid Ayaanle Ayaa Ahaa Mid Argagax Ku Abuuray Guud Ahaanba Shacabka Reer Somaliland Isla Markaasna Ku Cusbaa Maqalka Dhagahooda Balse Waxa La Sugaaba Waa Go,aanka Maxkamadu Ka Soo Saarto Kiiskaasi.


Afkashacabka.com
Haragsya/Office
contact@afkashacabka.com