Yaabka Dunida nin guursaday 21 dumar ah Oo Maxkamad La soo Taagay

0
Wednesday April 30, 2014 - 08:29:34 in by salman abdi
  • Visits: 1885
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaabka Dunida nin guursaday 21 dumar ah Oo Maxkamad La soo Taagay

    Wadaad ka tirsan mad-habta kirishtaanka mayalka adag ee loo yaqaan (Jesus-Christ and last days)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadaad ka tirsan mad-habta kirishtaanka mayalka adag ee loo yaqaan (Jesus-Christ and last days)

ayaa lagu eedeeyay inuu si sharci-darro ah u guursaday 21-xaas, kuwaas oo uu ku qabay guri-qasri ah oo ku yaal Gobolka Texas ee dalka Mareykanka. Ninkan oo lagu magacaabo Wendell Loy Neilsen da’diisana lagu sheegay 67-jir ayaa la ogaaday kadib markii ay booliiska ay soo wargelisay gabadh da’ yar oo ka tirsan madhabtan mayalka adag ay sheegtay inay wadaaddadu doonayaan inay si qasab ah ugu guuriyaan nin 50-sanno jir ah oo ka tirsan kooxdan aaminsan in qiyaamihii soo dhawaaday, sidaas daraadeedna la guursado xaasas badan.

Wendell Loy ayaa xaaskiisa ugu weyn da’deedu tahay 79-sanno jir halka ta ugu da’da yarina ay tahay 24-jir, caruurta ay 21-xaas u dhaleena waa 36-caruuur. Booliiska Gobolka Texas ayaa weerar ku qaaday dhammaan goobahii ay degganaayeen dumarkaa aaminsan madhabtan, waxayna kala wareegeen 416 carruur ah, waxaana markii dambe carruurtaasi la geeyey goob caafimaad si loogu baadho caafimaadkooda. Waxaa xusid mudan in hoggaamiyihii kooxdan masiixiga ee mayalka adag (Mr Warren Jeffs) 2-sanno ka hor lagu xukumay xabsi daa`in kadib markii lagu helay inuu si sharci-darro ah u guursaday laba gabdhood oo ilma-adeer ah,oo aan weli qaan gaadhin. Ninkan ayaa weli qaba 40-xaas,waxayna u hayaan 60-caruur. Kooxdan ayaa lagu eedaayaa inay maskaxda ka xadaan dumarka ay guursanayaan (brain-wash), iyagoo u ballan qaada inay Janno galayaan haddii ay qaataan amarrada diintan oo dhigeysa in la guursan-karo 50-dumar ah.



Afkashacabka.com
Hargaysa/Office
Contact@afkashacabka.com