Sports:Warbixin:Jariirada Telegraph Soo Xulatay Xidigihii Ugu Fiicnaa Abid Taariikhda Premier League, Hadaba Ayeey U Doorteen Xidigii Ugu Fiicnaa Abid ? Ayaase kamid Noqday 15 Ka Ugu Sareeya ?

0
Sunday December 06, 2015 - 17:16:03 in by Hargeysa Office
  • Visits: 975
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sports:Warbixin:Jariirada Telegraph Soo Xulatay Xidigihii Ugu Fiicnaa Abid Taariikhda Premier League, Hadaba Ayeey U Doorteen Xidigii Ugu Fiicnaa Abid ? Ayaase kamid Noqday 15 Ka Ugu Sareeya ?

    Warbixin:Jariirada Telegraph Soo Xulatay Xidigihii Ugu Fiicnaa Abid Taariikhda Premier League, Hadaba Ayeey U Doorteen Xidigii Ugu Fiicnaa Abid ? Ayaase kamid Noqday 15 Ka Ugu Sareeya ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin:Jariirada Telegraph Soo Xulatay Xidigihii Ugu Fiicnaa Abid Taariikhda Premier League, Hadaba Ayeey U Doorteen Xidigii Ugu Fiicnaa Abid ? Ayaase kamid Noqday 15 Ka Ugu Sareeya ?

Shabakada ciyaaraha ka faaloota ee kasoo baxda ingiriiska ee Daily Telagraph ayaa saaky daabacday barnaamij xiiso leh oo ay ugu magac dartay "100 kii xidig ee ugu weynaa ee taariikhda EPL", hadaba waxaan barnamaijkaan maadaama uu aad u dheeraa kasoo qaadaneynaa 15 kii xidig ee ugu fiicnaa ee Epl sida ay qabto Talegraph.

15 DIDIER DROGBA Chelsea (230 kulan, 100 gool) Hadii Didier Drogba uusan jiri laheyn, kubada ingiriiska waxay u baahan laheyd wax waliba si ay u helaan isaga, taariikhiida iyadaa hadleysa.

14 WAYNE ROONEY Everton (67 kulan, 15 gools); Manchester United (313 kulan, 161 goool) Kadib Michael Owen ma jirin da´yar sida Rooney oo kale daafacyada u kala jaray, taasna waxaa cadeynaya in isagoo 18 sano jir uu gooyay £27milan, sidoo kale iyadoo dhaawacyo ay hareeyeen, murano badana uu ku galay Znited hadana wuxuu qarka u saaran yahay inuu noqdo xidiga abid ugu goolasha badan United.

13 PETER SCHMEICHEL Manchester United (252 kulan); Aston Villa (29 kulan, 1 gool); Manchester City (29 kulan) Ma jirto koox aan heysan goolhaye geesi ah oo guulo raadiso, waana taas sheekada ninkaan Danishka ah oo United kula guuleystay shan Epl iyo waliba sadexda koob sanadii 1999.

12 JOHN TERRY Chelsea (428 kulan, 34 gool) Inkastoo uusan aheyn shaqsi aad looga jecel yahay ingiriiska marka la eego shaqsiyadiisa garoonka dibadiisa ah, hadana kuwa neceb John mar qarin karaan geesinimadiisa, sidoo kale waa daafac ugu goolasha badan horyaalk EPL.

11 STEVEN GERRARD Liverpool (482 kulan 113 gool)Ciyaariyahankii ugu weynaa ee aan abid taaban koobka premier league, laakin geesi, halyeey iyo dhiiro galiye aan laga hadlin karin tayadiisa.

10 FRANK LAMPARD West Ham (148 kulan, 24 goool); Chelsea (429 kulan, 147 gool); Manchester City (4 kulan, 2 gool) Waxaa laga yaabaa inaad ku baratay Chelsea ama xitaa Man City laakin wiilkii hore ee West Ham ma jirto koox Epl ka ka ciyaarta uusan gool ka dhalin xataa sadexdii koox ee uu u dheelay, waxaana ugu danbeyasay Chelsea oo uu gool ka dhaliyay sanadkii hore.

9 DENNIS BERGKAMP Arsenal (315 kulan, 87 gool) Kabiirkii kubada aragtida dheer, xisaab malaha sida uu meel aadan adiga arkeyn kubad uga dhiibay weeraryahanadii hortiisa taagnaa, daafacyada ayaa u baahnaa in kaamiro soo qaatan si u arkaan halkuu kubada marinayo Denis laakin xeerka kubada cagta ayaan taasi ogoleyn.

8 ERIC CANTONA Leeds United (13 kulan, 6 gool); Manchester United (143 kulan, 64 gool) Sir Alex Ferguson kooxdiisi ayaa ku dhib qabtay shabaq soo taabashada si lamid ah kooxda haatan ee Van Gaal, imaatinkii dhiblowga ree France ayaana United ka dhigay wax kale, daliil yar, wuxuu kaliya u ciyaary United 143 kulan, waqtigiisi United sideed bil oo kamid ahna ganaax ayuu ku maqnaa marki uu taaagere feer la dhacay, hadana United waxaa uga taagan astaan gaar ah.

7 PATRICK VIEIRA Arsenal (279 kulan, 28 gool); Manchester City (28 kulan, 3 gool) Wadnihii wiilashii Wenger ee wax waliba ku sameeyay Premier league, kabiir, kubad yaqaan banaan dhacay, geesi aan laga gaban.

6 CRISTIANO RONALDO Manchester United (196 kulan, 84 gool) Wuu iska aadi karay Real Madrid, laakin ganbiskii Ronaldo, cagtii dhaqsaha badneyd, murqihii kubada loogu talagay, laadadkii laga duceysan jiray, laacibnimadiisii ayaan sheeko lagu soo koobi karin, lix sano uu soo joogay masraxa riyooyinka ayaa jamaahiirta Reds ula mid aheyd lixdan sano.

5 PAUL SCHOLES Manchester United (499 kulan, 107 gool) dadka qaar ayaa qaba xidigii khadka dhexe ee ugu fiicnaa ee abid soo mara horyaalka ingiriiska, inkastoo uusan xulkiisa ka aheyn halyeey hadana United ayuu ka yahay wax waliba.

4 ALAN SHEARER Blackburn Rovers (138 kulan, 112 gool); Newcastle United (303 kulan, 148 goool) Nin xoogan, dheer, ku fiican kubadaha dhaadheer, kuwa hoose, iyo dhinac waliba oo weerar hadana kaliya ku guuleystay hal Epl.

3) ROY KEANE Nottingham Forest (40 kulan,, 6 gool); Manchester United (326 kulan, 33 gool) Mid kamid ah dagaalyahadii ka fariistay kubad England, waxaa lagu xusuusan doonaa dhiiranaatii iyo dagaalkii xidigaan xiligii Epl ay kala qeybsan jireen kaliya United iyo Arsenal, xusuuso badan ayuu ku leeyahay Epl sida dagaalkii isaga iyo Viera.

2 THIERRY HENRY Arsenal (258 kulan, 175 gool) Arsene Wenger waligiisa ma uusan tababarin qof lamid ah Thierry Henry, inaad adiga ugu yeertaa weeraryahana waa qalad, wax lagu tilmaamaa waa in loo raadiyaa Thiery, si layaab leh oo qurux badan ayuu horyaalka ingiriiska ugu guuleysaty waxayna aheyd isagoo aan wax guuldaro la kulmin uu sare u qaaday Epl, uma baahna sheeko badan Henry.

1) RYAN GIGGS Manchester United (632 kulan, 109 gool) Ciyaariyahanka ugu koobabka badan abid taariikhda Epl, 13 jeer ayuu sare u qaaday horyaalka Premier League sidoo kale 960 kulan oo tartamada oo dahn ayuu u saftay Manchester United koob kasta oo koxeedna wuu ku guuleystay, waxaase layaab ah inuusan waligiis ciyaarin koob aduun, sidoo kale waligiisa ma uusan qaadan calaamada casaanka ah ama roose.

Hadaba aqriste adigu miyaad jariiradaan ku raacsan tahay liiskooda ? hadii ay maya tahay jawaabtaadu maxaad ka badali laheyd liiskaan ?