Muxuu Tababare Jose Mourinho Ka Yiri Kulankii Ay Xalay Kaga Hadheen Champions League?

0
Thursday May 01, 2014 - 07:10:34 in by salman abdi
  • Visits: 1374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Tababare Jose Mourinho Ka Yiri Kulankii Ay Xalay Kaga Hadheen Champions League?

    José Mourinho ayaa ka hadlay guuldaradii caawa ka soo gaartay kooxdiisa kooxda Atletico Madrid isagoo u hambalyeeyay kooxda reer Spain oo markii ugu horeysay muddo 40 sanno gaartay finalka Champions League.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

José Mourinho ayaa ka hadlay guuldaradii caawa ka soo gaartay kooxdiisa kooxda Atletico Madrid isagoo u hambalyeeyay kooxda reer Spain oo markii ugu horeysay muddo 40 sanno gaartay finalka Champions League.

Mourinho ayaa ciyaarta ku sheegay in kulanka caawa ay go’aansatay rigooradii uu dhaliyay Diego Costa kulankaasoo ay Atletico ku badisay 3-1.

"Waxaa jirtay daqiiqad muhim ka aheyd ciyaarta. Marka hore goolhayahooda ayaa sameeyay badbaadino mustaxiil ah, ka dibna rigoorada ayaa isla daqiiqadiiba dishay ciyaarta” ayuu yiri Mourinho.

"Kulamada semi-finalka waxaa go’aansado arimo yaryar, taas ayaaa go’aan ka gaartay ciyaartaan. Hambalyo ayaan leeyahay iyaga, waa koox aad u fiican kuwaasoo shaqo fantastik ah ka qabanaya horyaalka Spain, caawana waxa ay gaareen finalka.


Afkashacabka.com Markasta iyo wakhti kasta kale soco wararki udanbayay iyo Ciyaraha Dunida