Ukraine Oo Heegan Dagaal Oo Buuxa Galisay Ciidamadeeda Difaaca

0
Thursday May 01, 2014 - 07:23:53 in by salman abdi
  • Visits: 747
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ukraine Oo Heegan Dagaal Oo Buuxa Galisay Ciidamadeeda Difaaca

    Madaxweynaha Talada haya ee Ukraine waxa uu sheegay in Ciidamada Milatariga dalkaasi la geliyay heegan dagaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Talada haya ee Ukraine waxa uu sheegay in Ciidamada Milatariga dalkaasi la geliyay heegan dagaal

 oo buuxa,Oo ay kaga hortagayaan duulaan ay suurtagal tahay inuu kaga yimaado ciidamada ruusha ee isku urursanaya xuduuda labada wadan wadaagaan.

Ku simaha Madaxweynaha, Olexsandar Turchynov, Ayaa sheegay kulan uu golihiisa wasiirada kula yeeshay magaalada Kyiv ciidamada Ruushka ay halis dagaal oo baqdin leh ay ku hayaan dhulka Ukraine .

 

Hadalkan ayaa ku soo beegmay , Iyadoo maleeshiyaadka taabacsan Ruushka ay qabsadeen dhismo kale oo ay dowladda Ukraine leedahay oo ku yaala bariga dalkaasi .

Kooxo hubeysan ayaa xoog ku qabsaday dhismaha golaha deegaanka ee magaalada Horlivka gelinkii hore ee maanlintii shalay, magaaladaas oo ay ku noolyihiin 260 kun oo qof.

Booliska waxa ay sheegeen In maleeshiyaadaasi gacan saarka la leh Ruushka ay sidoo kale qabsadeen xarunta booliska ee gobolkaasi ee ku taala magaalada Horlivka,

 



Afkashacabka.com

Hargaysa/Office

Contact@afkashacabka.com