WAR DEGDEG AH TOG-WAJAALE: HAL QOF OO KU GEERIYOODAY RASAAS CIIDANKA BOOLISKU KU FUREEN DAD MUDAHARAADAYAY IYO DHAAWAC SOO GAADHAY QAAR KALE

0
Thursday May 01, 2014 - 11:16:23 in by salman abdi
  • Visits: 824
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR DEGDEG AH TOG-WAJAALE: HAL QOF OO KU GEERIYOODAY RASAAS CIIDANKA BOOLISKU KU FUREEN DAD MUDAHARAADAYAY IYO DHAAWAC SOO GAADHAY QAAR KALE

    Sida ay Shabakada Wararka Afkashacabka u xaqiijiyeen, dad goob joogayaal ahi Marxuumka Geeriyoodey, oo ahaa Macalin wax ka dhiga Dugsiga Hoose ee Magaalada Tog-Wajaale oo Magaciisu ahaa Cabdinaasir Cabdi Xasan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay Shabakada Wararka Afkashacabka u xaqiijiyeen, dad goob joogayaal ahi Marxuumka Geeriyoodey, oo ahaa Macalin wax ka dhiga Dugsiga Hoose ee Magaalada Tog-Wajaale oo Magaciisu ahaa Cabdinaasir Cabdi Xasan
Tog-Wajaale(HWN)-Hal qof ayaa ku geeriyooday kadib markii ay Ciidamada Booliska Tog-Wajaale tacshiirad ku rideen Dadweyne u mudaharaadayay, Gudoomiyihii hore ee Degmada Tog-Wajaale Qowrax Muuse Xuseen oo lagu taxaabay Saldhiga Booliska Tog-Wajaale, waxa kale oo ay wararku intaa ku dareen in hal qof oo kale uu ku dhaawacmey Rasaasta ay Ciidanka Boolisku ku fureen dadkaa mudaharaadayey.
 
Sida ay Shabakada Wararka Hadhwanaagnews u xaqiijiyeen, dad goob joogayaal ahi Marxuumka Geeriyoodey, oo ahaa Macalin wax ka dhiga Dugsiga Hoose ee Magaalada Tog-Wajaale oo Magaciisu ahaa Cabdinaasir Cabdi Xasan, ayaa waxa ay xabadu la kulantey isagoo wadada maraya, waxaana ku dhaawacmey rabshadaas islamarkaana xabadi ku dhcdey haweenay, iyaduna kamid aheyd dadkii wadada marayay kadib markii ay Ciidanka Saldhiga Booliska Tog-Wajaale tacshiirada ku fureen
 mudaharaadayaasha.

 
Dhinaca kale wararka ka imanaya Magaalada Tog-Wajaale ayaa sheegay in Taliyaha Ciidanka Booliska Degmada Tog-Wajaale gacan laga jabiyay, iyadoo aaney noo suurtagalin in aanu wax ka weydiino rabshadahan iyo dilka Ciidanka Boolisku geysteen kadib markii aanu kuweynay Khadka Isgaadhsiinta.
Dadweynaha Reer Tog-Wajaale ayaa mudooyinkan ka cabanayay Taliska Ciidanka Booliska Qeybta Gabiley, oo amaro adag kusoo rogay halkaasi iyadoo la sheegay in rabshadahani ka kaceen xadhiga Gudoomiyihii hore Degmada Tog-Wajaale Qowrax Muuse Xuseen oo lagu taxaabay Saldhiga Ciidanka Booliska Degmadaasi iyadoo, sababta xadhigiisa lagu sheegay arimo ku sahabsan dhul.
 
Wararka kasoo kordha kala Soco Afkashacabka.com


Afkashacabka.com
Wajaale/Office