Degayso Xildhabaan Nuux Maxamed Xuseen ayaa Beeniyey Warar Sheegaaya Inuu Ka Baxay Xisbiga Kulmiye Isla Markaana Ku Biiray Wadani.

0
Thursday May 01, 2014 - 14:42:48 in by
  • Visits: 1252
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Degayso Xildhabaan Nuux Maxamed Xuseen ayaa Beeniyey Warar Sheegaaya Inuu Ka Baxay Xisbiga Kulmiye Isla Markaana Ku Biiray Wadani.

    Xildhibaankan oo khadka telefoonka iigu waramaayey ayaa waxa uu ii sheegay in wararkan sheegay inuu ka baxay xisbiga kulmiye aanay waxba ka jirin isla markaana laga been abuurtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaankan oo khadka telefoonka iigu waramaayey ayaa waxa uu ii sheegay in wararkan sheegay inuu ka baxay xisbiga kulmiye aanay waxba ka jirin isla markaana laga been abuurtay.

Xildhabaanku waxa uu sheegay in maalintii shelay ay kormeer ugu baxeen qaar ka mid ah degmooyinka hoos yimaada magaalada Burco ayagoo kormeerkoodaasi kusoo indha indhaynaayey xaalada guud ee degmooyinkaasi ku sugnyihiin,waxa uu intaasi raaciyey inay wararkan ugu soo galeen magaalada Burco Kadib markii ay kasoo laabteen kormeerkaasi.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in wixii tabasho ah ee Ka dhexeeya Isaga iyo xisbigiisa uu kasoo baxay ay ku dhamaysanayaan Gudahooda isla markaana aanay jirin sabab uu uga Baxo xisbaga Kulmiye.

Xildhibaan Nuux Maxamed Xuseen Waxaa uu Waraysigan aan la yeeshay ku Sheegay in uu San Isagu Kaligii Meel Iska Geli Karin EE Isagu Yahay Fuliyaha Go,aanka Dadkii soo Doortay Shacabka Soo Doortayna Ay Yihiin Kuwa Iyagu Iska Leh Go,aanka isla Maarkaana Ay Iyagu Ku qanacsanyihiin Xisbiga Kulmiye.

Waxaana uu Hadalkiisa Sii Raaciyey Mahadnaq Iyo hanbalyo Uu U Diray Madaxda Xisbiga Kulmiye Isagoona Uga Mahad Naqay Sida Fiican ee Loo Abaabulay Qabsoomida Shirwaynaha Xisbiga Kulmiye.

Ayadoo uu Xildhibaankani Yahay Xildhibaankii Ugu codka Badnaa Xildhibaanada Golaha Degaanka Degmada Burco ayaa ay xisbiyada Mucaaradku Had iyo Jeer ku Hamiyaan Sidii Uu Ugu Soo Biiri Lahaa Balse Hadalkan Maanta Kasoo Yeedhay Ayaa Meesha Ka Saaraya Hamuumtii Iyo Hanqaltaagii Ay U Qabeen Inuu Ku Soo Biiro Xisbiyada Mucaaradka Ah.

 

 

 

SHaafici Maxamed Ibraahim

/Burco Office

Shaaficimaxamed@gmail.com