Waxa uu ka hadlay inay horyaalka ku qaadeen ciyaartoy aan heerkooda sareynin.

chelsea-vs-sunderland-620x311

Haatan daraamihii uu soo saaraha ka ahaa Mourinho waa la kansalay.

Istaatistikada ayaa sheegeysa in sagaal guuldarro ay soo gaartay 16kii kulan ee ugu horeysay, waana ku bilaabashadii ugu xumeyd ee xilli ciyaareedka ee Chelsea ee tan iyo markii ay heerka labaad u laabteen xilli ciyaareedkii 1978-79.

Inkastoo uu Mourinho sheegay inaysan Chelsea ku jirin dagaalka dhanka hoose ee horyaalka ee looga kala ordayo heerka labaad, hadana taariikhda Premier League ayaa soo jeedineysa inay heystaan in ka yar fursad 50-50 ah oo ay ku sii joogaan horyaalka heerka koowaad.

92dii kooxood ee 15 dhibcood ama yar ka helay 16kii kulan ee ugu horeysay xilli ciyaareedka, 52% waxa ay u dhaceen horyaalka heerka labaad.

Kulanka: Chelsea v Sunderland

Garoonka: Stamford Bridge

Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: R East

MAXAA KA CUSUB?

Chelsea ayaa ka walwalsan taam ahaanshaha xiddigooda Eden Hazard ka dib markii dhaawac sinta ah uu ka soo gaaray kulankii ay guuldarada ka soo gaartay isbuucii hore kooxda Leicester City.

Gary Cahill, Pedro iyo Baba Rahman ayaa dhamaantood rajeynaya in dib loogu soo yeero iyadoo Blues ay dooneyso inay soo gabagabeyso labo guuldarro oo isku xigta.

Sunderland ayaa waxaa ka maqan Lee Cattermole iyo Sebastian Larsson sababo la xiriira dhaawac dhabarka iyo jilibka ah.

Sebastian Coates ayaa isna shaki uu ku jiraa isagoo hargab ku seegay tababarkii isbuucaan laakiin Younes Kaboul ayaa la filayaa inuu taam noqdo.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Chelsea (4-2-3-1): Courtois; Ivanovic, Zouma, Terry, Azpilicueta; Ramires, Matic; Willian, Oscar, Hazard; Costa.

Sunderland (3-5-2): Pantilimon; Kaboul, O’Shea, Coates; Van Aanholt, Rodwell, M’Villa, Tolvonen, Jones; Dofoe, Fletcher.

MA OGTAHAY?

  • Chelsea ayaa Sunderland ku garaacday 3-1 kulankii ugu danbeeyay ee xilli ciyaareedkii hore, waxaana ay ku xaqiijisteen guushoodii 26aad ee xilli ciyaareed ay horyaalka hanteen.
  • Kooxda Blues ayaa badisay 18 ka mid ah 21kii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay wajaheen Sunderland, iyagoo dhaliyay celcelis ahaan kulan walba in ka badan 2 gool.
  • Sidaasi oo ay tahay kooxda lagu naaneeso bisadaha madow ayaa badisay labo ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeysay ee ay u safreen Chelsea.