Murashax Jamal Cali Xusen oo Ballanqaaday inu Iskuul Saxaafadeed u Dhisi Doono Warbahinta, Talooyina u soo Jeediyey
- Visits: 1087
-

(Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Musharax Jamaal Cali Xuseen wuxu hadalkaas ka sheegay xaflad telefishanka HCTV uu ku xusayey laba wariye oo lagaga dilay Muqdisho iyo Puntland,
iyo mid sadexaad oo shil baabuur kaga dhintay jidka isku xidha Berbera iyo Hargeysa.
Musharax Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidoo kale sheegay saxaafadda inay mucaaradku taageeraan hase yeeshee saxaafadda laftigeeda marar badan uu xisbiga Kulmiye usoo adeegsado, taasoo uu ku taliyey inaanay saxaafaddu u kala hiilin siyaasiyiinta. Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay suxufiyiintu inay ka wanaagsan yihiin siyaasiyiinta, isagoo tusaale usoo qaatay saxaafaddu inay is-taageerto, halka uu sheegay siyaasiyiintu inay is reebaan oo isku cadaw yihiin.
Musharax Jamaal Cali Xuseen waxa uu saxaafadda ugu baaqay inay isku hawlaan baahinta barnaamijyda bulshada waxa taraya, isagoo uga digay inay dadka siyaasadd ku mashquuliyaan.