War Deg Deg Ah: Madaxweynaha Somaliland Oo Isku Shaandheeyay Badhasaabada Gobolada Dalka.

0
Saturday May 03, 2014 - 07:27:53 in by salman abdi
  • Visits: 1013
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah: Madaxweynaha Somaliland Oo Isku Shaandheeyay Badhasaabada Gobolada Dalka.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa sidoo kale isku shaandheyn ku sameeyay Badhasaabada Gobolada Dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa sidoo kale isku shaandheyn ku sameeyay Badhasaabada Gobolada Dalka

. Sida lagu shaaciyay war-saxafadeed ka soo baxay qasriga Madaxtooyada, kaas oo u dhignaa isagoo dhamaystiran sidan



War-saxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay,JSL/M/XERM/249-2446/052014ku magacaabay gudoomiyeyaasha Gobolada Saaxil, Sanaag iyo Gabiley

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyay:Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday:In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyeyaasha Gobolada Saaxil, Sanaag iyo Gabiley;

Markuu La Tashaday:Madaxda ay hawshani khusayso;

Markuu Arkay:In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

  1. In Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.

  2. In Mudane, Fahmi Cabdi Bidaar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda Somaliland.

  3. In Mudane, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.

AFKASHACABKA.COM
HARGAYSA/OFFICE
CONTACT@AFKASHACABKA.COM