Madaxwaynaha Somaliland Oo Xalay Saqdii Dhexe Xilkii Ka Qaaday Wasiir Ku Xigeenkii Amniga, Badhasaabkii Gabiley, Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada Iyo Agaasimayaal Guud

0
Saturday May 03, 2014 - 13:43:53 in by salman abdi
  • Visits: 898
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Somaliland Oo Xalay Saqdii Dhexe Xilkii Ka Qaaday Wasiir Ku Xigeenkii Amniga, Badhasaabkii Gabiley, Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada Iyo Agaasimayaal Guud

    Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xalay saqdii dhexe isku shaandheyn ku sameeyay Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dawladda qaarkood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xalay saqdii dhexe isku shaandheyn ku sameeyay Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dawladda qaarkood

 waxaanu xilka ka qaaday Agaasimayaal, halka uu kuwo kalena Magacaabay.

 


Madaxwaynaha Somaliland, waxa uu xilalkii ay qaranka u hayeen ka qaaday Wasiir ku xigeenkii Amniga, Taliyihii ilaalada Madaxtooyada, Badhasaabkii Gobolka Gabiley, Badhasaabkii Gobolka Sanaag, halka uu ka Magacaabay Masuuliyiin tiro oo kale.

War-saxaafadeed xalay kowdii habeennimo ka soo baxay aqalka Madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka Madaxtooyasa Somaliland, ayaa u qornaa sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2448/052014 ku magacaabay Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee JSL, Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee JSL, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu isku bedel ku sameeyey agaasimeyaasha guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland, iyo Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, xarafka (d) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Axmed Cali Maygaag, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LE

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XILQ/249/1-2455/052014 xilalkii ay hayeen uu kaga qaaday Wasiir Ku-xigeenkii Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Taliyihii Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, Gudoomiyeyaashii Gobolada Saaxil, Gabiley, Sanaag, Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka,

Xilka Qaadista

Mudane, Cabdilaahi Abokor Cismaan, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Mudane, Yuusuf Ibraahim Geedi, Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Gabiley

Gaashaanle, Faysal Kaamil Ciise, Taliyihii Hore ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL

Mudane, Cabdirashiid Cabdilaahi Maxamed, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

Mudane, Cabdirashiid Jibriil Yuusuf, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

Mudanayaal,

Waxa aan aad idinku mahadinaqayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hannan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalkii aad qaranka u hayseen.

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejisaan xilalkaasi cidaan u soo igmaday.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2453/052014

Ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cali Maxamed Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

War-saxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2451/052014 ku magacabay Gudoomiyaha Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka iyo Ku-xigeenkiisa.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, ee Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 6aad ee Xeerka Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Xeer Lr. 19/2001;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadku u leedahay dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda Guddoomiyaha Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka iyo ku xigeenkiisa

Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;

Markuu Ku Qancay: In ay hannan karaan, aqoon iyo kartina u leeyihiin jagadan;

Wuxuu go’aansaday

In Dr. Axmed Xaashi Oday, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland

In Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Axmed Doodi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LE

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxu)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2450/052014 uu ku magacaabay Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD) ee JSL.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ahi u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah;

Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;

Markuu Ku Qancay: In aan looga maarmayn jagadan oo uu hore uga soo shaqeeye, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Axmed Muxumed Geelle (Dacar), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD) ee JSL.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2450/052014 uu ku magacaabay Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD) ee JSL.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ahi u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah;

Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;

Markuu Ku Qancay: In aan looga maarmayn jagadan oo uu hore uga soo shaqeeye, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Axmed Muxumed Geelle (Dacar), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD) ee JSL.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2446/052014 ku magacaabay gudoomiyeyaasha Gobolada Saaxil, Sanaag iyo Gabiley

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyay: Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyeyaasha Gobolada Saaxil, Sanaag iyo Gabiley;

Markuu La Tashaday: Madaxda ay hawshani khusayso;

Markuu Arkay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.

In Mudane, Fahmi Cabdi Bidaar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda Somaliland.

In Mudane, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2448/052014 uu isku bedel iyo magacaabis ku sameeyey Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradahan hoos ku qoran.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo in isku beddel lagu sameeyo jagooyinkan hoos ku xusan;

Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;

Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Aadan Cabdilaahi Cabdille, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee JSL.

In Mudane, Maxamed Cilmi Xuseen, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee JSL.

In Mudane, Abiib Axmed Cali, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Cadaalada)

In Mudane, Khadar Axmed Diiriye, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland, (hore Tacliinta Sare)

In Mudane, Maxamed Cilmi Aaden, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somaliland. (hore Kalluumaysiga)

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada 




Afkashacabka.com 

Hargaysa/Office 

contact@afkashacabla.com