Jamaal Cali Xuseen Wuxuu Noqday Siyaasi Samir Badan oo Siyaasadda u Bislaaday. W/Q: Maxamed Ibrahim

0
Monday December 28, 2015 - 08:32:30 in by salman abdi
  • Visits: 1224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jamaal Cali Xuseen Wuxuu Noqday Siyaasi Samir Badan oo Siyaasadda u Bislaaday. W/Q: Maxamed Ibrahim

    Siyaasadda oo ah mid sideedaba looga baahan yahay qofka siyaasiga ah samir iyo dulqaad badan,ayaa waxa ku kala baxa rag badan oo isku fac ah ama kala fac weyn,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasadda oo ah mid sideedaba looga baahan yahay qofka siyaasiga ah samir iyo dulqaad badan,ayaa waxa ku kala baxa rag badan oo isku fac ah ama kala fac weyn,

hadaba siyaasadda oo maalinba waji leh ayaan maqaalkan ku eegayaa hagardaamooyin badan oo uu la kulmay murashaxa jagada madaxweynaha ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen,iyadoo atn iyo bilowgii uu siyaasadda soo galay ilaa hada uu khardoofooyin badan uu la kulmay balse uu kaga gudbay samir iyo dulqaad badan oo uu la yimid ,taasi uu muujinaysa bisaylka siyaasadeed ee uu la yimid Jamaal Cali Xuseen,Soomaalida ayaa ku maah maahda Mayd maxaa ugu danbeeyey iyo kaa la sii sido”khilaafkii ugu danbeeyey

ee ka dhex qarxay Faysal iyo Jamaal wuxuu ahaa runtii khilaaf xoog u culus oo sahayday murashax ku xigeenkii Jamaal Mr C/rashiid Xasan Mataan oo u adkaysan waayey xoogga khilaafku lahaa,iyadoo uu orod cagaha ka dayey C/rashiid Xasan Mataan balse Jamaal Cali Xuseen wuxuu la yimid in uu khilaafka u galo sidii ugu habooneyd isagoo adeegsaday dariiq kasta oo lagu soo afjaro khilaafka isla markaana uusan xaqiisa uga tanaasulin si dhib yar,taasi oo aakhiirkii keentay in la soo afjaro khilaafkii xisbiga UCID oo faragalinta xoogan ku haysay xukuumadda Siilaanyo.

Maalitii daraad ayey ahayd markii Jamaal Cali Xuseen kulan qado ah oo albaabadu u xidhnaayeen Hotel Simmer Time kula yeeshay hogaamiyayaashii Jabhadii SNM waxayna ka wada shireen mustaqbalka xisbiga UCID iyo marxaladda uu haatan dalku marayo,mawqif midaysan ayaa ka soo baxay kulankaasi qadada ah,dadka siyaaasadda faaqida ayaa waxay tilmaamayaan in Jamaal Cali Xuseen la soo baxay siyaasad ku dhisan diplomaasiyad iyo samir ,taasi oo u muuqata in uu haatan kasbaday badi siyaasiyiinta iyo haldoorka dalka,waxayna dadka faaleeya siyaasaduu leeyihiin hadii uu Jamaal sii wado dadaalkiisa ku aadan in xisbiga UCID la dhiso oo lagu soo daro hogaamiyayaasha caanka ah ee ururkii SNM iyo haldoorka dalka ,kuwaasi oo dhamaantood xoogga iyo cududoodaba iskugu geeya xisbiga UCID,wuxuu si sahlan ugu guulaysan karaa kursiga dalka ugu sareeya ee madaxweynenimada.

Kulamadan iyo siyaasaddan cusub ee uu la soo baxay Jamaal Cali Xuseen ayaa la sheegay inay ka cadhaysiisay isla markaana ka xumaadeen rag badan oo ay isku hayaan kursiga madaxtinimada dalka,waxayna keentay in xukuumadda liitada ee xisbiga KULMIYE isku dayayso inay had iyo goor dacaayado iyo been ka fidiso Jamaal Cali Xuseen markii ay ogaadeen in uu haysto taageerada haldoorka dalka iyo bulshaweynta reer Somaliland.




W/Q: Maxamed Ibrahim

maxamedibrahim5@gmail.com