'John Obi Mikel Waa Suurogal Inuu Ku Biiro Inter Milan' – Wakiilkiisa.

0
Saturday May 03, 2014 - 14:09:12 in by salman abdi
  • Visits: 835
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    'John Obi Mikel Waa Suurogal Inuu Ku Biiro Inter Milan' – Wakiilkiisa.

    Wakiilka John Obi Mikel ayaa xaqiijiyay in Inter Milan xiiseyneyso ciyaaryahanka islamarkaana ay suurogal tahay inuu u dhaqaaqo laakiin waqti xaadirkaan uu yahay ciyaaryahan Chelsea ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka John Obi Mikel ayaa xaqiijiyay in Inter Milan xiiseyneyso ciyaaryahanka islamarkaana ay suurogal tahay inuu u dhaqaaqo laakiin waqti xaadirkaan uu yahay ciyaaryahan Chelsea ah.

Waxaa dib loo soo celiyay la xiriirintii John Obi Mikel ee Inter Milan tan iyo markii uu Walter Mazzarri tababare u noqday waxaana u muuqataa inay dalab ka gudbin doonaan ciyaaryahanka khadka dhexe xagaaga.

"Inter? Waxa aan idin kaga sheegi karo ayaa ah inaan la kulmay ciyaaryahanka iyo agaasimayaasha, waana ay xiiseynayaan isaga” ayuu wakiil John Shittu u sheegay FcInterNews.it.

"Waa ciyaaryahan weyn kaasoo ku soo guuleystay Champions League iyo Koobka Qaramada Afrika, sidaasi darteed waa uu ku haboon yahay heerka Nerazzurri.

"Waa suurogal inuu ku biiro Inter laakiin waqti xaadirkaan Mikel waa ciyaaryahan Chelsea ah.”

Wakiilka ayaa la weydiiyay haddii uu la kulmay agaasimaha Inter Piero Ausilio, laakiin waa uu diiday inuu ka jawaabo.

Inter ayaa dooneysa inay Mikel amaah kaga soo qaadato Chelsea haddii kale qiimihiisa waa 12 milyan euro.


Markasta iyo wakhti kasta kale saoco wararka udanbayay iyo ciyaraha Dunida