Suldaan Bad-Madow Iyo Wax-garad Bogaadiyey Badhasaabka Cusub Ee Gobolka Saaxil

0
Sunday May 04, 2014 - 00:42:57 in by salman abdi
  • Visits: 956
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Bad-Madow Iyo Wax-garad Bogaadiyey Badhasaabka Cusub Ee Gobolka Saaxil

    Suldaan Axmed Maxamed Xasan (Suldaan Bad-madow) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka reer Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suldaan Axmed Maxamed Xasan (Suldaan Bad-madow) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka reer Somaliland

, Naasir Cabdi Cige iyo Faysal Xasan Muuse oo ka mid ah waxagaradka gobolka Hargeysa, ayaa Hambalyo iyo bogaadin u diray badhasaabka cusub ee gobolka Saaxil uu u Magacaabay Madaxwaynaha Somaliland.

Axmed Maxamed Xasan (Suldaan Bad-madow) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka reer Somaliland, Naasir Cabdi Cige iyo Faysal Xasan Muuse, ayaa badhasaabka cusub ee gobolka Saaxil loo Magacaabay, Fahmi Cabdi Bidaar, u rajeeyay inuu Alle u fududeeyo xilka qaranka ee loo dhiibay, iyaga oo ku dardaaray inuu xilkiisa uga soo baxo sida ugu wanaagsan, iyaga oo sidoo kalena bulshada gobolka Saaxil u soo jeediyay inay la shaqeeyaan Badhasaabka cusub ee loo soo Magacaabay Fahmi Cabdi Bidaar, kaasi oo ay sheegeen inuu yahay masuul xil kasta oo caan ku ah xilkasnimo iyo dedaal.

Suldaan Bad-madow Naasir Cabdi Cige iyo Faysal Xasan Muuse, ayaa Madaxwaynaha uga mahad-celiyey Magacaabidda Fahmi Cabdi Bidaar, waxayna sheegeen in Madaxwaynuhu uu gobolka Saaxil u xulay masuul ay hubaan inuu shaqadiisa ka soo baxayo, haddii dadka gobolka Saaxil ay gacmaha isku qabsadaan sidii ay gobolkooda u horumarin lahaayeen, ulana shaqeyn lahaayeen guddoomiyaha cusub, Mr. Fahmi.


Suldaan Bad-madow, Naasir Cabdi Cige iyo Faysal Xasan Muuse, ayaa dhankooda ballan qaaday inay la shaqeynayaan Badhasaabka cusub ee gobolka Saaxil, sida ay ku sheegeen qoraal ay na soo gaadhsiiyeen




AFKASHACABKA.COM
HARGAYSA/OFFICE
CONTACT@AFKASHACABKA.COM