Xayiraadda Hubaal Iyo Haatuf Oo Hadheeyay Xuska Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Ee Adduunka + Sawirro

0
Sunday May 04, 2014 - 00:53:37 in by salman abdi
  • Visits: 873
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xayiraadda Hubaal Iyo Haatuf Oo Hadheeyay Xuska Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Ee Adduunka + Sawirro

    Xuska maalinta xorriyadda saxaafadda ayaa waxa maanta lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xuska maalinta xorriyadda saxaafadda ayaa waxa maanta lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa

, waxaana musaasibaddan ka qayb galay siyaasiyiinta dalka, mujaahidiintii SNM, saxaafadda noocyadeeda kala duwan, salaadiin, ururada bulshada, xisbiyada mucaaridka ah, xildhibaano baarlamanka ah iyo masuuliyiin ka socotay xukuumada Somaliland.

Munaasibaddan oo uu soo qaban-qaabiyey ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA, ayaa waxa lagu waynaynayey xuska Maalinta caalamiga ah ee xorriyadda saxaafadda madaxa-banaan, taasi oo adduunka oo dhan laga xuso 3-da bisha May sanad walba, waxaana halkaasi khudbado ka jeediyay hal-doorka Mucaaradka dalka, Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Somaliland, hoggaanka ururka SOLJA iyo xubno ka mid ah saxaafadda Somaliland, gaar ahaan Guddoomiyayaasha labada Wargeysyada ee xukuumaddu saartay xayiraadda ee HAATUF iyo HUBAAL, waxayna halkaasi ka soo jeediyeen dhaliilo badan, kuwaasi oo ku muujiyeen tacadi caddaalad daro ah oo ay ka tirsanayaan xukuumadda talada dalka haysa.

Xuska oo ku soo beegmay xilli ay xayiran yihiin wargeysyada HUBAAL iyo HAATUF, ayaa inta badan siyaasiyiinta iyo xubnaha kale ee halkaasi ka hadlay waxay badankoodu ka soo jeediyeen eedaymo la xidhiidha xayiraadda labada wargeys, waxayna xukuumadda ugu baaqeen inay xorriyaddooda u soo celiso wargeysyadaasi oo ay xayiraadda ka qaado, iyaga oo tusaaleeyay in xayiraadda iyo xadhigga saxaafadda laga dhaxlo fadeexado iyo ceeb ka soo gaadha xukuumadda talada dalka haysa "Shaki kuma jirro in xukuumaddani taariikhda ku gali doonto xagga xoriyatul-qawlka tii ugu cadaw-sanayd ee dalkan soo marta inay tahay” sidaa waxa yidhi, Guddoomiyaha Wargeyska Xayiran ee HAATUF, oo qudbad ka jeediyay Munaasibadda SOLJA qabatay, waxaanu intaasi ku daray "Maaha Hubaal, Haatuf iyo Somaliland Times kaliya waxa xidhani, ee waa xoriyatul-qawlkii ay shacbiga reer Somaliland oo dhami xaqqa u lahaayeen oo quful afka lagaga jabayey oo kale ayey arrintani ka dhagan tahay ama xaqiiqo ahaanba noqonaysaa…”

Hasa-yeeshee, Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo hadalkaas deba socda, ayaa yidhi "Arrinta Wargeyska HAATUF waxay taallaa Maxkamad, xukuumad ahaanna waxaanu qabnaa in xeerka saxaafadda ee imika jira in loo raaco, waxaanuna leenahay xeerka saxaafadda haloo raaco (Ha lagu xukumo)..”

Wasiirka oo sii hadlaya ayaa sheegay "Anniga waxaan soo jeedinayaa, saxaafaddu kamay dhalan dal gaar ah oo dalkeenan ayay ka dhalatay, dalkeenana arrimihiisa wadahadal-baa lagu dhameeyaa, dadka oo gudaha ka heshiiya wixii la isku qabtay ayaa lagu dhameeyaa, markaa dhaqankii Somaliland inaanu ku dhamayno ayaanu diyaar u nahay dhinacayaga, xukuumaddana waan ku matalaa, waxaanu leenahay Haatuf iyo Yuusuf-ba noo qabsooma, arrintana aynu si fiican ku dhamayno” ayuu yidhi…

Laakiin, wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta ee Somaliland, Cabdi Yuusuf Boobe, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa xukuumadda ku dhaliilay xayiraadda wargeysyada HAATUF iyo HUBAAL, waxaanu yidhi "Marka laga hadlayo madax-banaanida saxaafadda, waxa loo soo galay halgan hubaysan oo toban sanadood ah oo SNM hormood u ahayd, waxa loo soo galay xorriyatul-qowl iyo in dadku si xor ah dareenkooda u cabbiraan, dhiig iyo dheecaanbaa ku baxay, seego ayaa loo soo huwaday, dhagax-baa loo soo barkaday, oo carruurtayada ayaa u soo silicday, qaar badan waa loo sad-qeeyay oo way ku shihiideen…”

Mujaahid Boobe, waxa kale oo uu xusay "Mujaahidiintu markay dhutinayaan, waxay ku odhanayaan cududahayagii waxa loo waayay xoriyatul-qowl” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey "Lama filayn maanta, in la yidhaahdo HAATUF, HUBAAL iyo Somaliland Times halaga jabiyo qufulka (Xayiraadda ha laga qaado…”

Afkashacabka.com
Hargaysa/Office
Contact@afkashacabka