Madaxweyne Siilaanyo oo Booqday Kaalinta KAAH oo Khasaare laxaad leh ka soo Gaadhay Dab ka kacay Shalay

0
Sunday May 04, 2014 - 16:30:30 in by Super Admin
  • Visits: 1035
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo oo Booqday Kaalinta KAAH oo Khasaare laxaad leh ka soo Gaadhay Dab ka kacay Shalay

    Madaxweynaha ayaa halkaasi gaadhay Salaaddii Cishaa'iga ka dib, isaga oo halkaasi ku sugnaa muddo saacad ku dhow,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha ayaa halkaasi gaadhay Salaaddii Cishaa'iga ka dib, isaga oo halkaasi ku sugnaa muddo saacad ku dhow,

Madaxweynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa booqday Huteelka KAAH ee Magaalada Hargeysa, kaasi oo Kaalintii shidaalka ee ka midka ahayd uu dab qabsaday isla-markaana khasaare badan ka soo gaadhay.

Madaxweynaha ayaa halkaasi gaadhay Salaaddii Cishaa’iga ka dib, isaga oo halkaasi ku sugnaa muddo saacad ku dhow, 

Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay wehelinayeen xubno ka mid ah golaha Wasiirrada iyo taliyaha ciidamada Booliska ee Somaliland, Cabdilaahi Fadal iimaan, ayaa halkaasi markii ay tageen indho-indheeyay khasaaraha ka dhashay dabka ka kacay kaalinta shidaalka ee KAAH, iyaga oo markaa ka dibna gudaha u galay huteelka KAAH, oo ah huteelka ay qaybta ka tahay kaalinta shidaalka ee Gubatay.

Inkasta oo aanu Madaxwaynuhu ka hadal dhibaatada uu sababey dabkani, haddana marka la eego wakhtiga uu Madaxwaynuhu tagay halkaasi, waxa muuqanaysa inuu ugu talo-galay in mulkiilayaasha kaalinta shidaalka ee KAAH ee gubatay uu u muujiyo sida uu uga xun yahay khasaaraha uu dabkaasi gaadhsiiyey kaalintooda iyo ganacsigii kale ee ku dhowaa, maadaama oo uu yahay masuulka qaranka ugu sareeya ee waajibaadku ka saaran yahay wixii shacabkiisa la soo gudboonaada.


Taliyaha booliska Somaliland, Sareeye Guuto, Cabdilaahi Fadal Iimaan, oo ka mid ahaa xubnaha Madaxwaynaha la socday markii uu booqday kaalinta gubatay, ayaa saxaafadda u sheegay sidan  "Khasaare wuu jiraa, saddex qof oo dhaawacmay oo gaadiidka la saarayo waan arkayey, laakiin ilaa hadda dhimasho ma jirto” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "Wixii khasaare ah ee jira waala tiro koobayaa”